Close Menu

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    What's Hot

    Dowladda Soomaaliya oo la wareegtay howlihii xafiiska UNTMIS

    31 October 2026

    Maxaa iska beddelay qorshihii Uganda ee Soomaaliya? Taliyaha ciidamada oo tirtiray qoraalkii bixitaanka

    31 October 2026

    Maxaa socda? Uganda oo ciidamo cusub u dirtay Soomaaliya

    31 October 2026
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Vimeo
    Banaadir24 Online
    Subscribe Login
    • Home
    • Post Categories
      • WARARKA
      • ENGLISH NEWS
      • DUNIDA
      • BUSINESS
      • LATEST NEWS
      • LOCAL NEWS
      • OPINIONS
    • About Us
    • Contact Us
    • More
      • Privacy Policy
      • Terms and Conditions
    Banaadir24 Online
    • Privacy Policy
    • About Us
    • Contact Us
    • Terms and Conditions
    Home ยป Dowladda Soomaaliya oo la wareegtay howlihii xafiiska UNTMIS
    LATEST NEWS

    Dowladda Soomaaliya oo la wareegtay howlihii xafiiska UNTMIS

    Banaadir24By Banaadir2431 October 2026No Comments4 Mins Read
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr WhatsApp VKontakte Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Howlgalkii siyaasadeed ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa dhammaan doona maanta oo ah Sabti, taasoo xireysa in ka badan seddex iyo toban sano oo howlgallo kala duwan oo QM ah oo loogu talagalay dib u dhiska waddan ay burburiyeen dagaallo sokeeye.

    Waxaa maanta si rasmi ah u soo dhammaanaya howlgalka siyaasadeed ee Qaramada Midoobay ay ka wadday Soomaaliya, kaas oo loo yaqaanay UNTMIS (United Nations Transitional Assistance Mission in Somalia), kaddib markii la soo gabagabeeyay qorshihii labada sano ahaa ee loogu talagalay in mas’uuliyadihiisa lagu wareejiyo hay’adaha Soomaaliyeed iyo qeybaha kale ee Qaramada Midoobay.

    Xiritaanka UNTMIS wuxuu soo afjarayaa in ka badan 30 sano oo ay Soomaaliya ka howlgaleen xafiisyo siyaasadeed oo Qaramada Midoobay leedahay, kuwaas oo door ku lahaa taageeridda nabad-dhiska, dib-u-heshiisiinta, dhismaha dowladnimada iyo geeddi-socodka siyaasadeed ee dalka.

    Joogitaanka howlgalladaasi wuxuu billowday ๐Ÿญ๐Ÿต๐Ÿต๐Ÿฎ-kii, xilligii dagaalka sokeeye iyo macluusha. Waxaa xigay ๐—จ๐—ก๐—ข๐—ฆ๐—ข๐—  ๐—œ ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐—œ๐—œ, dabadeedna ๐—จ๐—ก๐—ฃ๐—ข๐—ฆ oo shaqaynayey ๐Ÿญ๐Ÿต๐Ÿต๐Ÿฑ ๐—ถ๐—น๐—ฎ๐—ฎ ๐Ÿฎ๐Ÿฌ๐Ÿญ๐Ÿฏ-kii. ๐—จ๐—ก๐—ฆ๐—ข๐—  ayaa la aasaasay ๐Ÿฎ๐Ÿฌ๐Ÿญ๐Ÿฏ-kii, waxaana ๐Ÿฎ๐Ÿฌ๐Ÿฎ๐Ÿฐ-kii lagu beddelay ๐—จ๐—ก๐—ง๐— ๐—œ๐—ฆ, oo loo xilsaaray wareejinta howlihii siyaasadeed ee UN-ka.

    Sida uu ku bilowday Xafiiska UNTMIS, wuxuu shaqadiisa rasmiga ah bilaabay 1-dii November 2024-kii, isaga oo beddelay howlgalka UNSOM oo Soomaaliya ka howlgallayay tan iyo sannadkii 2013-kii.

    Go’aanka lagu beddelay UNSOM waxaa gaaray Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, kaas oo soo saaray Qaraarka tirsigiisu yahay 2753 (2024), waxaana qorshuhu ahaa in muddo laba sano ah lagu dhammeystiro wareejinta howlaha iyo mas’uuliyadaha howlgalka.

    Mudadii uu howlgalka jiray, wuxuu taageero ka geysanayay arrimo dhowr ah oo muhiim u ahaa Soomaaliya, waxaana ka mid ahaa sida la sheegay:-Taageeridda wada-hadallada siyaasadeed ee dowladda Federaalka iyo dowlad-goboleedyada, Dhiirrigelinta dib-u-heshiisiinta iyo xalinta khilaafaadka siyaasadeed, Taageeridda dib-u-eegista Dastuurka iyo geeddi-socodka doorashooyinka, Dhismaha hay’adaha dowladda iyo xoojinta nidaamka federaalka, Ilaalinta xuquuqda Aadanaha iyo taageeridda hay’adaha cadaaladda iyo Isku-dubaridka taageerada caalamiga ah ee Soomaaliya.

    Xiritaanka howlgalka wuxuu qeyb ka ahaa qorshe kala-guur ah oo ay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ku heshiiyeen. Qorshahaas ayaa ahaa in mas’uuliyadaha UNTMIS si tartiib-tartiib ah loogu wareejiyo hay’adaha dowladda Soomaaliya, hay’adaha kale ee Qaramada Midoobay iyo xafiiska taageerada Saadka ee UNSOS.

    27-kii Oktoobar 2026, magaalada Muqdisho waxaa lagu qabtay munaasabad lagu sagootinayay howlgalka, taas oo uu ka qeybgalay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac iyo mas’uuliyiin kale. Mas’uulka ku-meel-gaarka ahaa ee howlgalka, Raisedon Zenenga, ayaa munaasabadda ka sheegay in wareejinta mas’uuliyadaha ay ahayd mid si wadajir ah ay u maamuleen dowladda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay.

    Xiritaanka xafiiska UNTMIS macnaheedu ma aha in Qaramada Midoobay ay gebi ahaanba ka baxday Soomaaliya. Hay’adaha Qaramada Midoobay sida UNICEF, WHO, UNDP iyo xafiiska UNSOS ayaa sii wadi doona howlaha ay dalka ka hayaan, iyagoo la shaqeynaya dowladda Soomaaliya. Sidoo kale, taageerada Qaramada Midoobay ee dhinacyada bani’aadannimada, horumarinta, caafimaadka iyo amniga ayaa sii socon doonta.

    Dhammaadka howlgalka wuxuu dowladda Soomaaliya hor dhigaya mas’uuliyad dheeraad ah oo ku saabsan hoggaaminta arrimaha siyaasadda, xalinta khilaafaadka, dib-u-heshiisiinta iyo dhismaha hay’adaha dowliga ah.

    Xiritaanka Xafiiskaasi ee UNTMIS wuxuu Soomaaliya u furayaa marxalad cusub oo ku saabsan xiriirka ay la leedahay Qaramada Midoobay, iyadoo mas’uuliyado badan oo siyaasadeed iyo kuwo dowlad-dhisid ah lagu wareejinayo hay’adaha Soomaaliyeed.

    Soomaaliya waxaa maanta u baryay waa cusub oo Sharaf u ah Dowladnimada JFS.

    Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobeey oo soo saaray qoraal, ayaa sheegay in UNTMIS uu 31-ka Oktoobar soo afjarayo howlgalladiisa, kaddib laba sano oo uu socday qorshaha kala-guurka, wuxuuna bogaadiyay horumarka Soomaaliya ay samaysay, isagoo xusay in Qaramada Midoobay ay sii wadi doonto taageerada Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada nabadda, xasilloonida, xuquuqda aadanaha iyo horumarka, iyadoo u maraysa hay’adaheeda Soomaaliya, islamarkaana waxa uu ugu baaqay beesha caalamka inay sii waddo taageerada Soomaaliya, si loo xoojiyo hayโ€™adaha dowladda, dib-u-heshiisiinta iyo kala-guurka amni ee dalka.

    Soomaaliya ayaa sanadkii 2024-kii dalbatay in la xiro xafiiskaan, kaasi oo laba sano ee la soo dhaafay ahaa mid ku shaqeeya magaalada Muqisho. Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa xaqiijiyay in codsiga Dowladda Federaalka Soomaaliya lagu xiray Xafiiskoodii UNTIMIS ee ka shaqeyn jiray howlaha dowlad-dhiska iyo kobcinta Maamul wanaaga. Antรณnio Guterres ayaa xusay in howlaha Xafiiskaasi ay la wareegtay Dowladda Soomaaliya, isla markaasna ay garab taagan yihiin.

    Soomaaliya waxaa leh dadka Soomaaliyeed, Soomaalina waa kuwa maamula dalkooda.

    Isha – SONNA

    Share this:

    • Share on Facebook (Opens in new window) Facebook
    • Share on X (Opens in new window) X

    Like this:

    Like Loadingโ€ฆ

    Related

    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr WhatsApp Email
    Previous ArticleMaxaa iska beddelay qorshihii Uganda ee Soomaaliya? Taliyaha ciidamada oo tirtiray qoraalkii bixitaanka
    Banaadir24
    • Website
    • Facebook
    • X (Twitter)

    Related Posts

    Maxaa iska beddelay qorshihii Uganda ee Soomaaliya? Taliyaha ciidamada oo tirtiray qoraalkii bixitaanka

    31 October 2026

    Maxaa socda? Uganda oo ciidamo cusub u dirtay Soomaaliya

    31 October 2026

    Xog: Aadan Madoobe oo Itoobiya gargaar amni ka dalbaday xilli Lafta-gareen dib u soo xoogaysanayo

    31 October 2026

    Wasaaradda Warfaafinta oo kahor timid eedeymo ay dowladda Kenya u jeedisay Suxufiyiin Soomaaliyeed

    31 October 2026
    Leave A Reply Cancel Reply

    Demo
    Our Picks

    Remember! Bad Habits That Make a Big Impact on Your Lifestyle

    13 January 2021

    The Right Morning Routine Can Keep You Energized & Happy

    13 January 2021

    How to Make Perfume Last Longer Than Before

    13 January 2021

    Stay off Social Media and Still Keep an Online Social Life

    13 January 2021
    • Facebook
    • Twitter
    • Pinterest
    • Instagram
    • YouTube
    • Vimeo
    Don't Miss
    LATEST NEWS

    Dowladda Soomaaliya oo la wareegtay howlihii xafiiska UNTMIS

    By Banaadir2431 October 20260

    Howlgalkii siyaasadeed ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa dhammaan doona maanta oo ah Sabti, taasoo…

    Share this:

    • Share on Facebook (Opens in new window) Facebook
    • Share on X (Opens in new window) X

    Like this:

    Like Loadingโ€ฆ

    Maxaa iska beddelay qorshihii Uganda ee Soomaaliya? Taliyaha ciidamada oo tirtiray qoraalkii bixitaanka

    31 October 2026

    Maxaa socda? Uganda oo ciidamo cusub u dirtay Soomaaliya

    31 October 2026

    Xog: Aadan Madoobe oo Itoobiya gargaar amni ka dalbaday xilli Lafta-gareen dib u soo xoogaysanayo

    31 October 2026

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from SmartMag about art & design.

    About Us
    About Us

    Banaadir24 is an independent online news platform dedicated to delivering timely, accurate, and balanced coverage of news and events in Somalia and beyond.

    Recent Posts
    • Dowladda Soomaaliya oo la wareegtay howlihii xafiiska UNTMIS
    • Maxaa iska beddelay qorshihii Uganda ee Soomaaliya? Taliyaha ciidamada oo tirtiray qoraalkii bixitaanka
    • Maxaa socda? Uganda oo ciidamo cusub u dirtay Soomaaliya
    • Xog: Aadan Madoobe oo Itoobiya gargaar amni ka dalbaday xilli Lafta-gareen dib u soo xoogaysanayo
    • Wasaaradda Warfaafinta oo kahor timid eedeymo ay dowladda Kenya u jeedisay Suxufiyiin Soomaaliyeed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Latest News
    • About Us
    • Contact Us
    © 2026 banaadir24. Designed by banaadir24.

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    Sign In or Register

    Welcome Back!

    Login to your account below.

    Lost password?
    %d