Muqdisho (Banaadir24) —Ugu yaraan lix qof ayaa la soo sheegay inay ku dhinteen qarax miino oo haleelay gaari rakaab ah oo ku sii jeeday magaalada Baydhabo, kaas oo marayay agagaarka deegaanka Warmaxan ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Sida ay sheegayaan ilo amni oo hordhac ah, gaariga ayaa dul maray miinada, taas oo sababtay dhimashada dadkaasi. Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan dadka ku dhintay qaraxa iyo haddii ay jiraan dhaawacyo ayaa weli la sugayaa.
Qaraxan ayaa dhacaya xilli la soo sheegayo dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo ka socda deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose, iyadoo dowladda Federaalka Soomaaliya ay isku dayeyso inay ciidamadeeda u dhaqaajiso meelo ka baxsan degmada Wanlaweyn.
Sidoo kale, wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya in ciidamada Daraawiishta ay dhaq-dhaqaaqyo ciidan ka wadeen aaggaasi, taas oo kusoo beegmaysa xaalad amni oo xasaasi ah.
Ilo amni ayaa sheegay in miinooyin lagu aasay deegaanka, hase yeeshee weli lama xaqiijin cidda miinada dhigtay iyo in qaraxu xiriir la leeyahay dhaq-dhaqaaqyada ciidan ee maalmihii u dambeeyay halkaasi ka socday.
Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo si buuxda u xaqiijinaya cidda ka dambeysay miinada. Faahfaahin dheeraad ah ayaa la filayaa inay kasoo baxdo xaaladda amni ee deegaanka.
