Kampala (Banaadir24) — Dowladda Uganda ayaa Soomaaliya u dirtay cutub cusub oo ka tirsan ciidamadeeda milatariga, kaas oo loogu magac daray Battle Group 48, si uu uga qeyb qaato howlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM).
Ciidamadan ayaa loo diray Soomaaliya kaddib markii ay soo dhammaysteen tababar gaar ah oo loogu diyaarinayay howlgalka, kaas oo ka dhacay xarunta tababarka ciidamada ee Singo, degmada Nakaseke ee dalka Uganda.
Taliyaha ku-xigeenka ciidamada dhulka Uganda, Sareeye Guuto Felix Busizoori, ayaa ciidamada kula dardaarmay inay muujiyaan wada-shaqeyn, anshax iyo isku-duubni inta ay ku guda jiraan howlgalka Soomaaliya.
Waxa uu sidoo kale uga digay inay ku kacaan falal anshax-xumo ah, isagoo ku adkeeyay inay ilaaliyaan sumcadda ciidamada Uganda iyo xiriirka wanaagsan ee ay la leeyihiin bulshada Soomaaliyeed.
Taliyaha xarunta tababarka, Gaashaanle Moses Nabaasa, ayaa isaguna ciidamada ku boorriyay inay muujiyaan waddaniyad, daacadnimo iyo wada-shaqeyn, isla markaana ay gutaan waajibaadka loo igmaday.
Cutubka Battle Group 48 ayaa beddelaya cutubkii Battle Group 45, iyadoo ciidamadan ay qeyb ka noqonayaan howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya.
