Muqdisho (Banaadir24) — Taliyaha guud ee ciidamada Uganda, General Muhoozi Kainerugaba, ayaa tirtiray qoraal uu baraha bulshada ku shaaciyay in ciidanka Uganda ay bilaabeen ka bixitaanka Soomaaliya, kaddib ku dhowaad 20 sano oo ay ka qeyb qaadanayeen howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika.
“Sidii aan ballanqaadnay, waxaan bilownay in ciidanka UPDF aan kala baxno Soomaaliya. Kaddib 20 sano oo dhiig iyo naf-hurid badan ay ku baxeen, waxaan amniga ku wareejineynaa walaalaheen Soomaaliyeed,” ayuu Khamiistii ku qoray bartiisa bulshada, balse markii dambe wuu tirtiray qoraalkaas.
Dhanka kale, wararka ayaa sheegaya in in ka badan 100 askari oo Uganda u dhashay ay 48-kii saac ee lasoo dhaafay ka ambabaxeen magaalada Muqdisho, inkastoo aan weli la xaqiijin in bixitaankoodu qeyb ka yahay qorshe rasmi ah oo ciidanka lagu dhimayo iyo inuu yahay isbeddel ciidan oo caadi ah.
Arrintan ayaa kusoo beegmeysa iyadoo milatariga Uganda uu ku dhawaaqay in Soomaaliya loo soo dirayo cutub cusub oo lagu magacaabo Battle Group 48, kaas oo qeyb ka noqonaya howlgalka Midowga Afrika ee taageerada iyo xasilinta Soomaaliya (AUSSOM).
Major General Felix Busizoori, oo la hadlay ciidamada cusub, ayaa kula dardaarmay inay muujiyaan anshax, wada-shaqeyn iyo dadaal inta ay ku guda jiraan waajibaadkooda Soomaaliya.
Tallaabooyinkan is barbar socda ayaa dhalinaya su’aalo ku saabsan qorshaha Uganda ee joogitaankeeda milatari ee Soomaaliya, iyadoo dhinac ay jiraan ciidamo dalka ka baxaya, halka dhinaca kalena cutubyo cusub loo soo dirayo.
