Muqdisho (Banaadir24) — Madaxweynaha muddo dhaafka ah ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa casuumaad rasmi ah u diray Xisbiga Nabad iyo Nolol, Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, Madasha Midnimo Qaran iyo Dalladda Bulshada Rayidka, si ay uga qaybgalaan gogol wadatashi Qaran oo la qorsheeyay in Muqdisho lagu qabto 14-ka ilaa 18-ka Nofeembar 2026.
Gogoshan ayaa la sheegay in diiradda lagu saari doono arrimaha doorashooyinka federaalka, iyadoo dhinacyada lagu casuumay la doonayo inay ka wada hadlaan sidii loo heli lahaa is-afgarad siyaasadeed iyo isu-tanaasul ku saabsan hannaanka doorashooyinka dalka.
Casuumaaddan ayaa ku soo beegmaysa xilli ay Soomaaliya wajahayso doodo siyaasadeed oo la xiriira jihada doorashooyinka iyo heshiis laga gaaro hannaanka siyaasadeed ee dalka.
Wadatashiga la qorsheeyay ayaa noqonaya fursad ay dhinacyada siyaasadda iyo bulshada rayidka ahi ku soo bandhigi karaan mowqifyadooda ku aaddan doorashooyinka federaalka iyo sidii loo gaari lahaa heshiis ay dhinacyadu isku waafaqaan.

