Leego (Banaadir24) — Wararka laga helayo deegaan u dhow degmada Leego ee gobolka Shabeellaha Hoose, kuna yaalla inta u dhexeysa Buurhakaba iyo saldhigga Balidoogle, ayaa sheegaya in galabta uu halkaasi ka dhacay dagaal xooggan oo lala beegsaday cutubyo ka tirsan Ciidanka Militariga Soomaaliya.
Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in ciidamadan oo ku wajahnaa degmada Buurhakaba jidka loo galay, kaddib markii ay la kulmeen weerar gaadmo ah iyo qaraxyo la sheegay in lagu aasay waddada ay ku safrayeen.
Wararka la helayo ayaa intaas ku daraya in dagaalka uu sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray askar, iyadoo sidoo kale la sheegay in Al-Shabaab ay gacanta ku dhigeen gaadiid badan oo ay ciidamadu wateen, kuwaas oo ay ku jiraan dabaabaad la sheegay inay leeyihiin ciidamada Gorgor iyo gaadiid xamuul ah.
Xogaha hordhaca ah ayaa tilmaamaya in ciidamada militariga ay dib ugu laabteen deegaanka Leego, kaddib markii ay ku adkaatay inay sii wataan safarkooda. Si kastaba, weli ma jiro war rasmi ah oo si madax-bannaan u xaqiijinaya baaxadda khasaaraha iyo tirada gaadiidka la qabsaday.
Wararka la helayo ayaa sidoo kale sheegaya in weerarka ay suuragal ka dhigtay xog ku saabsan dhaqdhaqaaqa ciidamada oo la sii ogaa, inkastoo aan weli si madax-bannaan loo xaqiijin sheegashadaas.
Caqabadaha kale ee la sheegay inay saameeyeen dhaq-dhaqaaqa ciidamada waxaa ka mid ah roobab xooggan oo ka da’aya deegaannadaasi iyo miinooyin la sheegay in waddada la geliyey.
Ilaa hadda, dowladda Soomaaliya kama aysan soo saarin war rasmi ah oo ku saabsan dagaalka iyo khasaaraha la sheegay inuu ka dhashay.
Banaadir24 waxay la socon doontaa xaaladda deegaanka, iyadoo wararka cusub ee la helo la baahin doono marka xog dheeraad ah laga xaqiijiyo dhacdadan.
