Muqdisho (Banaadir24) — Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Soomaaliya, Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa ka qeybgalay xil-wareejinta Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, iyadoo Cabdiqaadir Cumar Macallin uu la wareegay xilka wasiirka cusub ee wasaaradda.
Munaasabadda xil-wareejinta oo uu guddoominayay Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ahna ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha, ayaa xilka la isugu wareejiyey wasiirka cusub Cabdiqaadir Cumar Macallin iyo ku-simaha wasiirka ahna Wasiiru-dowlaha Wasaaradda, Cabdiqaadir Maxamed.
Jibriil ayaa sheegay in dowladda federaalku ay mudnaan gaar ah siinayso horumarinta maamulka iyo adeegyada dekedaha iyo gaadiidka badda, kuwaas oo qeyb muhiim ah ka ah qorshaha istaraatiijiyadeed ee xukuumadda.
Wuxuu sidoo kale carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la sii ambaqaado dadaallada lagu horumarinayo waajibaadka wasaaradda, lana xoojiyo wada-shaqeynta hay’adaha dowladda iyo bahwadaagta caalamiga ah.
Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa dooneysa in tayeynta adeegyada dekedaha iyo gaadiidka badda ay gacan ka geysato horumar waara oo waafaqsan danaha iyo mudnaanta dalka.
