Muqdisho (Banaadir24) — Dowladda Soomaaliya ayaa dalka dib ugu soo celisay 169 muwaadin oo ku xirnaa xabsiyada dalka Liibiya, kuwaas oo dib loogu soo celiyey dalka iyadoo la kaashanayo Hay’adda Socdaalka Adduunka (IOM).
Muwaadiniinta dib loo soo celiyey ayaa 29 ka mid ah lagu dejiyey magaalada Hargeysa, halka 140-ka kale la keenay magaalada Muqdisho.
Agaasimaha Waaxda Jaaliyadaha iyo Qurbo-joogta ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Ibraahim Guure, ayaa ka mid ahaa mas’uuliyiintii ka qeyb galay soo dhoweynta muwaadiniintan oo maanta dib loogu soo celiyey dalka.
Dhanka kale, magaalada Muqdisho ayaa lagu qabtay dood-wadaag ku saabsan ka hortagga tahriibka dhallinyarada, iyadoo ay ka qeyb galeen Prof. Maxamed Cumar Dhalxa iyo xubno kale oo ka socday ururrada dhallinyarada.
Soo celinta muwaadiniintan iyo doodda ka dhanka ah tahriibka ayaa kusoo aadaya xilli ay muhiim tahay in la xoojiyo dadaallada lagu ilaalinayo dhallinyarada Soomaaliyeed iyo ka wacyigelinta khataraha tahriibka.
