Baydhabo (Banaadir24) — Wararka laga helayo deegaanka Baay-Burjaad ee duleedka magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in halkaasi uu ka qarxay dagaal culus oo u dhexeeya ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Maamulka Koonfur Galbeed oo isku dhinac ah, iyo ciidamada taabacsan madaxweynihii hore ee maamulkaas, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen.
Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in halkaasi laga maqlayo rasaas xooggan, iyadoo xaaladda amni ee aaggaasi ay tahay mid kacsan.
Dagaalkan ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Cabdicasiis Laftagareen, kaas oo salka ku haya loollanka siyaasadeed iyo maamulka Koonfur Galbeed.
Ilaa hadda, lama hayo xog rasmi ah oo faahfaahinaysa khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay dagaalka, sidoo kalena ma cadda sida uu iska horimaadku ku bilowday iyo xaaladda ay hadda ku sugan yihiin dhinacyada dagaallamaya.
Banaadir24 ayaa si dhow ula socota xaaladda, waxaana wararkan la cusbooneysiin doonaa marka ay soo baxaan faahfaahin dheeraad ah oo la xaqiijiyey.
