Hargeysa (Banaadir24) — Hay’adda Sirdoonka Somaliland ayaa muddo kooban xabsiga dhigtay shan muwaadin oo Mareykan ah, kuwaas oo ay ku eedeysay inay ku lug lahaayeen falal khatar ku ah amniga Somaliland.
Hay’adda Sirdoonka Somaliland (NIA) ayaa sheegtay inay shantan nin isha ku haysay tan iyo markii ay yimaadeen deegaannada Somaliland, iyadoo markii dambe ay baaritaan dheer ku sameysay dhaqdhaqaaqyadooda iyo ujeeddooyinka safarkooda.
Warbixinta oo ay baahisay wakaaladda wararka Reuters ayaa tilmaamaysa in shanta Mareykanka ah ay ka tirsanaayeen shirkad lagu magacaabo Parallel Black, taas oo la sheegay inay ka diiwaangashan tahay gobolka Delaware ee dalka Mareykanka.
Sidoo kale, warqad ku taariikheysneyd 4-tii November oo ay aragtay Reuters ayaa muujineysa in wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir Aadan, uu shantan qof ku casuumay inay sameeyaan daraasado ku saabsan fursadaha maalgashi ee Somaliland.
Ilo xog-ogaal ah ayaa Reuters u sheegay in shantan muwaadin ay Isniintii Somaliland uga baxeen diyaarad ay leedahay shirkadda Ethiopian Airlines.
Ilaa hadda lama shaacin magacyada raggaasi iyo falalka gaarka ah ee lagu eedeeyay, mana jirto faahfaahin rasmi ah oo laga helay dowladda Mareykanka oo ku saabsan dhacdadan.
Dhacdadan ayaa kusoo beegmeysa xilli Somaliland ay dadaallo diblomaasiyadeed ugu jirto sidii ay taageero iyo aqoonsi uga heli lahayd Mareykanka iyo dalal kale.
