Washington (Banaadir24) —Dowladda Mareykanka ayaa go’aan cusub ka qaadatay taageerada milateri ee Soomaaliya, iyadoo dib uga laabatay qorshe hore oo ay ku joojinaysay maalgelinta howlgalka Qaramada Midoobay ee taageera ciidamada Midowga Afrika ee ka howlgala Soomaaliya.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa xaqiijisay in Washington ay taageeri doonto muddo kordhin hal sano ah oo loo sameynayo Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) iyo Howlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM).
Go’aankan ayaa yimid kadib markii Mareykanku horay u shaaciyey inuu joojinayo maalgelinta UNSOS, isla markaana uu qorsheynayay in xafiiskaasi gebi ahaanba howlgab noqdo dhammaadka sanadka 2027.
UNSOS ayaa door muhiim ah ka qaata howlgalada ciidamada Midowga Afrika, isaga oo bixiya taageero saadka ah oo ay ka mid yihiin shidaalka, raashinka, gaadiidka iyo adeegyada caafimaadka ee ciidamada ka howlgala Soomaaliya.
Mareykanka ayaa horey u sheegay in sababaha uu u joojinayo taageerada ay ka mid yihiin horumar la’aanta dagaalka Al-Shabaab, tabar-darrada dowladda Soomaaliya ee la wareegidda mas’uuliyadda amniga iyo is-mariwaaga siyaasadeed ee dalka ka jira.
Dib-u-noqoshadan ayaa imaanaysa xilli ay jiraan walaacyo la xiriira xaaladda amni ee Soomaaliya, weerarrada Al-Shabaab iyo qorshaha ciidamada Uganda ay dalka uga baxayaan dhammaadka sanadka 2027.
Sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka, taageerada cusub waxay qeyb ka tahay dadaallada lagu xakameynayo khataraha amni ee Soomaaliya, lagana hortagayo in qalalaase amni oo ballaaran uu ku faafo gobolka.
Si kastaba, Washington ayaa caddeysay in go’aankani uusan ka dhignayn taageero aan waqti lahayn, iyadoo dowladda Soomaaliya iyo Midowga Afrika laga doonayo inay diyaariyaan qorshe waara oo ay mustaqbalka kula wareegaan mas’uuliyadda amniga.
Mareykanka ayaa tan iyo sanadkii 2007 ku dhowaad 2 bilyan oo dollar ku bixiyey howlgalada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, halka uu sidoo kale in ka badan 1.6 bilyan oo dollar ku taageeray ciidamada Midowga Afrika.
