Muqdisho (Banaadir24) — Taliyaha guud ee Ciidanka Difaaca Qaranka Itoobiya, Field Marshal Birhanu Jula, ayaa hadal muran dhaliyay ka jeediyay magaalada Saylac ee gobolka Awdal, kaddib markii uu ku tilmaamay deegaan ka tirsan dhulka taariikhiga ah ee dadka Tigray.
Sida lagu sheegay warbixin uu daabacay wargeyska Horn of Africa News, Jula ayaa hadalkan jeediyay 13-kii Nofeembar 2026, xilli uu khudbad u jeedinayay bulshada Tigray ee ku nool magaalada Mekelle, xarunta gobolka Tigray ee Itoobiya.
Taliyaha ayaa khudbaddiisa ku taxay deegaanno kala duwan oo uu ku sheegay inay xiriir taariikheed la leeyihiin dadka Tigray, isagoo yiri: “Negash waa Tigray, Axum waa Tigray, Dogali waa Tigray, Saylacna waa Tigray.”
Hadalka ugu weyn ee dareenka dhaliyay ayaa ah in Saylac, oo ah magaalo xeebeed taariikhi ah oo ku taalla gobolka Awdal, isla markaana leh muhiimad ganacsi iyo taariikheed oo weyn, uu ku daray deegaannada uu ku tilmaamay inay Tigray leeyihiin.
Hadalkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay weli taagan tahay xiisadda diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Itoobiya, taas oo ka dhalatay heshiiskii is-afgaradka ahaa ee Itoobiya la gashay Somaliland bishii Janaayo 2024, kaas oo la xiriiray helitaanka marin-badeed iyo dhul xeebeed.
Inkasta oo hadalka Jula uu yahay mid si weyn u soo jiitay dareenka gobolka, haddana ma jiro war rasmi ah oo sheegaya in dowladda Itoobiya ay Saylac ku dhawaaqday dhul ay sheeganayso.
Arrintan ayaa dib usoo cusbooneysiin karta doodaha ku saabsan damaca Itoobiya ee helitaanka marin-badeedka iyo saameynta ay arrimahaasi ku yeelan karaan xasilloonida Geeska Afrika.
