XOG:- Axmed Madoobe oo Safar ku tegaya Dalka Itoobiya lana heshiinaya

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa la filayaa inuu horraanta toddobaadkan safar shaqo ku tago magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya, halkaas oo uu ka bilaabi doono booqasho dhowr maalmood ah oo ay ku jiraan kulamo doceedyo iyo wada-hadallo la xiriira arrimo siyaasadeed iyo amni.
Wararka la helayo ayaa sheegaya in safarkan uu qeyb ka yahay dadaallo lagu xoojinayo xiriirka u dhexeeya Jubbaland iyo Itoobiya, kaas oo muddooyinkii dambe soo hagaagayay kaddib marxalado kala aamin-bax ah oo hore u jiray.
Xiriirka labada dhinac ayaa hoos u dhacay tan iyo isku daygii Itoobiya ay sanadkii 2019 ku doonaysay in ay ku qabato Axmed Madoobe, arrintaas oo dhalisay xiisad siyaasadeed. Sidoo kale, murankii badda ee u dhexeeyay Soomaaliya iyo Kenya ayaa saameyn ku yeeshay xiriirka gobolka, taas oo sii fogeysay kalsoonidii dhinacyada.
Inkasta oo caqabadahaasi jireen, haddana waxaa la sheegayaa in dib loo soo celiyay xiriirka labada dhinac, iyadoo la arkayo is-faham cusub oo ka dhex abuurmaya Addis Ababa iyo Kismaayo.
Dhanka kale, gobolka Gedo ayaa weli ah meel xasaasi ah oo ay si weyn u saameyso Itoobiya, halka Dowladda Federaalka Soomaaliya ay muddooyinkii dambe dadaal ugu jirtay sidii ay gacanta ugu dhigi lahayd maamulka gobolkaasi, iyada oo kaashaneysa Itoobiya. Si kastaba ha ahaatee, dadaalladaas ayaa marar badan fashilmay, kaddib markii dhinacyadu ay isku maandhaafeen dano siyaasadeed oo kala duwan.
Safarka Madaxweynaha Jubbaland ee Addis Ababa ayaa la filayaa inuu saameyn ku yeesho jihada siyaasadeed ee gobolka, gaar ahaan arrimaha la xiriira amniga, iskaashiga iyo xal u helidda khilaafaadka taagan.









