Midowga Afrika oo War kasoo saaray heshiiska DRC Congo

Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Mudane Mahmoud Ali Youssouf, ayaa soo dhaweeyay horumarka laga gaaray dadaallada lagu fududeynayo helitaanka gargaar bani’aadamnimo iyo sii deynta maxaabiista, kuwaas oo la gaaray Sabtidii, 18 Abriil 2026, kadib wadahadallo ka dhacay magaalada Montreux ee dalka Switzerland, kaas oo hoos yimaada geeddi-socodka nabadda ee Doha.
Guddoomiyuhu wuxuu muujiyay rajo ah in horumarkan uu suurtagelin doono in si degdeg ah, ammaan ah, oo aan caqabad lahayn loo gaarsiiyo gargaarka bani’aadamnimo, isla markaana lagu sii daayo maxaabiista muddo toban maalmood gudahood ah. Wuxuu xusay in tani ay tahay tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhanka ilaalinta rayidka iyo xoojinta kalsoonida u dhexeysa dhinacyada is haya.
Horumarkan ayaa sidoo kale la filayaa inuu dib u dardar geliyo dadaallada Midowga Afrika ee lagu doonayo in lagu soo afjaro colaadda ka taagan bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, isla markaana lagu xaqiijiyo xasillooni waarta oo ka hanaqaadda guud ahaan gobolka Harooyinka Weyn.
Guddoomiyaha Guddiga ayaa si adag ugu baaqay dhinacyada inay si buuxda, waqtigeeda ku habboon, isla markaana daacadnimo ku jirto u fuliyaan ballanqaadyadooda. Waxa uu sidoo kale ku dhiirrigeliyay inay dhammaystiraan Heshiiska Bani’aadamnimo iyo heshiisyada kale ee weli harsan, isla markaana ay sii wadaan wada-hadal wax dhisaya oo lagu gaarayo xal nabadeed oo dhammeystiran oo waara.
Sidoo kale, Guddoomiyuhu wuxuu bogaadiyay dadaallada dhexdhexaadinta ee Dowladda Qatar, taageerada Mareykanka, doorka Jamhuuriyadda Togo oo ah dhexdhexaadiyaha Midowga Afrika, Switzerland oo martigelisay wareegii ugu dambeeyay ee wadahadallada, Qaramada Midoobay, iyo dhammaan saaxiibada kale ee ka qeyb qaatay natiijada ka soo baxday Montreux, taas oo lagu doonayo in lagu dhammaystiro Qaab-dhismeedka Doha ee Heshiiska Nabadda ee Dhammeystiran.










