Hooyo ay Gurigeeda ka burburisay Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh oo tagtay Degaan ay Maamulaan Al-Shabaab

Wararka laga helayo gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in haweeney da’ ah oo hore ugu noolayd magaalada Muqdisho ay gaartay deegaan ay maamulaan Al-Shabaab, kaddib markii sida ay sheegtay laga burburiyay gurigii ay deganeyd.
Hooyadan oo aan weli la shaacin magaceeda ayaa la sheegay inay kamid ahayd dadka ay saameeyeen burburinta guryaha ee ka dhacday xaafadda Siinaay ee magaalada Muqdisho. Waxay sidoo kale sheegtay inay heysato lix carruur ah oo ay mas’uul ka tahay.
Wareysi ay siisay Al-Shabaab, ayay ku eedeysay dowladda Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inay shacabka ka burburineyso guryahooda, iyadoo tilmaantay in arrintaasi ay ku keentay dhibaato nafsi ah kaddib markii gurigeedii laga saaray.
Haweeneydan ayaa sidoo kale sheegtay inay hadda ku sugan tahay deegaan ku dhow Kuunya-Barow ee gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo ay gabaad ka heshay, sida ay hadalka u dhigtay.
Dhanka kale, waxay ugu baaqday shacabka ku nool Muqdisho inay ka taageeraan dhismaha hoy cusub oo ay sheegtay in dad Soomaaliyeed u qoondeeyeen, kaas oo ku yaalla xaafadda Oodweyne ee gobolka Banaadir.
Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo rasmi ah oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya oo ku aaddan eedeymaha ay haweeneydan jeedisay, balse marar hore dowladda ayaa sheegtay in burburinta qaar ka mid ah guryaha ay la xiriirto qorsheyaal dib u habeyn iyo amni sugid ah.
Dhacdadan ayaa kusoo beegmeysa xilli ay weli taagan yihiin cabashooyin la xiriira burburinta guryaha iyo barakaca dadka rayidka ah ee ku nool qaar kamid ah degmooyinka magaalada Muqdisho.









