Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta booqasho shaqo ku tagay magaalada Addis Ababa ee caasimadda Itoobiya, halkaas oo uu kulan muhiim ah kula yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed.
Booqashada Madaxweynaha ayaa ku soo beegantay xilli xaaladda amni iyo siyaasadeed ee Geeska Afrika ay wajahaysa marxalado xasaasi ah, gaar ahaan iyadoo Itoobiya ay ka jiraan dagaallo cusub oo ka socda waqooyiga dalka.
Kulanka Xasan Sheekh iyo Abiy Axmed ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo arrimaha amni iyo siyaasadeed ee gobolka. Labada dhinac ayaa sidoo kale diiradda saaray muhiimadda ay leedahay in dalalka gobolka ay sare u qaadaan iskaashiga si loo taageero nabadda iyo xasilloonida Geeska Afrika.
Booqashada ayaa sidoo kale kusoo beegantay xilli xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya uu galay marxalad cusub oo diblomaasiyadeed, iyadoo labada dowladood ay sannadihii dambe xoogga saareen dib u dhiska xiriirka iyo iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha gobolka.
Itoobiya ayaa haatan wajahaysa dagaallo cusub oo ka qarxay waqooyiga dalka, iyadoo ciidamada dowladda iyo xoogagga Tigray ay mar kale isku dhaceen. Xaaladda ayaa sare u qaaday walaaca laga qabo in colaadda ay saameyn ku yeelato xasilloonida guud ee Geeska Afrika.
Kulanka labada hoggaamiye ayaa sidaas darteed kusoo aadaya xilli gobolka uu wajahayo caqabado amni oo isa soo taraya, iyadoo Soomaaliya iyo Itoobiya ay yihiin laba dal oo muhiim u ah amniga iyo xasilloonida Geeska Afrika.
Madaxweynaha Xasan Sheekh ayaa booqashadan hal maalin ah kadib la filayaa inuu sii wado safarkiisa gobolka, iyadoo diiradda ay tahay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga Soomaaliya iyo dalalka deriska ah.
