Wararka laga helayo Gobolka Gedo, ayaa sheegaya in caawa Nin dhalinyaro ah lagu toogtay meel u dhow Isbitaalka Khalil ee degmada Balad Hawo, sida ay sheegeen ilo deegaanka ah iyo goobjoogayaal.
Ninka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Maxamuud Nuur Salaad, oo sidoo kale loo yaqaanay Ilkadheere, waxaana la sheegay in koox hubeysan ay ku weerartay goob ganacsi oo uu lahaa oo ku taalla agagaarka Isbitaalka Khalil.
Maxamuud ayaa dhaawac culus soo gaaray kadib markii rasaas lagu furay, waxaana loo qaaday xarun caafimaad oo ku taalla degmada Balad Hawo, halkaas oo markii dambe lagu xaqiijiyay geeridiisa.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in ragga weerarka geystay ay ahaayeen kuwo hubeysan, isla markaana ay goobta uga baxsadeen gaari nooca Bajaajta saddexda lugood leh.
Ilaa hadda lama xaqiijin cidda ka dambeysay dilka, waxaana sidoo kale aan la shaacin sababta rasmiga ah ee loo beegsaday Marxuum Maxamuud Nuur Salaad.
Ciidamada ammaanka iyo maamulka deegaanka ayaan weli si rasmi ah uga hadlin dhacdadan, iyadoo baaritaanno lagu ogaanayo cidda ka dambeysay weerarka iyo sababta loo dilay marxuumka ay socdaan.
