Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Muqdisho ka daabushay ciidamo dheeraad ah oo ka tirsan Gorgor iyo saanad ciidan oo loo diray magaalada Baydhabo, xilli walaac laga qabo in dagaallo kale ay dib uga qarxaan magaalada iyo duleedkeeda.
Wararka ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan Cutubka 5-aad ee Guutada 17-aad Gorgor habeenkii laga qaaday Muqdisho, waxaana la sheegay inay la socdeen hub iyo rasaas.
Sidoo kale, wararka ayaa sheegaya in duulimaadyo kale oo sida ciidamo iyo saanad ciidan ah la filayo maalinta Arbacada, taasoo qeyb ka ah xoojinta ciidamada dowladda ee ku sugan Baydhabo.
Daabulista ciidamada ayaa timid kadib dagaalladii ugu dambeeyay ee Baydhabo, kuwaas oo dhexmaray ciidamada dowladda Federaalka, ciidamada gobolka iyo xoogag taabacsan Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen.
Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in dowladda Federaalka iyo maamulka Koonfur Galbeed ay ka fiirsanayaan howlgal cusub oo ka dhan ah xoogagga taabacsan Laftagareen ee ku sugan duleedka Baydhabo.
Dowladda Federaalka ayaa hore ciidamo ugu dirtay Baydhabo, balse xaaladda amni ee magaalada ayaan si muuqata u degin, iyadoo ay soo noqnoqdeen iska horimaadyo iyo xiisado siyaasadeed.
Daabulista cusub ee Gorgor iyo saanadda ciidan ayaa sidaas darteed kusoo beegmaysa xilli Baydhabo ay weli wajahaysa xaalad amni iyo siyaasadeed oo kacsan.
Lama oga weli in ciidamadan cusub loogu talagalay oo keliya xoojinta amniga Baydhabo ama ay qeyb ka noqon doonaan howlgal cusub oo ka dhan ah xoogagga ku sugan duleedka magaalada.
Xiisadda Baydhabo ayaa sidoo kale sare u qaaday walaaca laga qabo in khilaafka siyaasadeed ee muddada dheer ka taagnaa maamulka Koonfur Galbeed uu mar kale isu beddelo dagaal culus.
