LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Wasiir kuxigeenka Amniga Koonfur Galbeed oo hubka dhigis & Xabsi Guri la isugu daray

Wararka laga helayo ilo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Wasiir Ku-xigeenka Amniga Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Maxamed Yuusuf, hubkii lagala wareegay, iyadoo laga qaaday laba qori oo nooca BKM ah oo ay wateen ilaaladiisa.

Sidoo kale, wararka ayaa intaas ku daraya in wasiir ku-xigeenka la geliyay xabsi guri, islamarkaana la dul-dhigay ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa dowladda, kuwaas oo si gaar ah u ilaalinaya dhaq-dhaqaaqiisa Magaalada Baydhabo.

Arrintan ayaa la sheegay inay salka ku hayso dhacdooyin la xiriira ciidamo ka amar qaata Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Laftagareen, kuwaas oo la sheegay inay la baxsadeen gaadiid dagaal iyo hub fara badan, iyagoo u jiheystay dhinaca gobolka Gedo.

Dhanka kale, warar soo baxaya ayaa tilmaamaya in maanta magaalada Muqdisho loo qaadayo Wasiir Ku-xigeenka Amniga Koonfur Galbeed, Maxamed Yuusuf, iyo Guddoomiyaha magaalada Baydhabo, Cabdullaahi Watiin, kaas oo isna shalay lagu sameeyay hub ka dhigis iyo xabsi guri.

Maxamed Yuusuf ayaa horey u soo noqday Guddoomiyaha Degmada Kaxda ee gobolka Banaadir, xilkaas oo uu ka soo qabtay ka hor inta uusan ku biirin maamulka Koonfur Galbeed.

Ilaa iyo hadda, ma jiro wax war rasmi ah oo kasoo baxay dowladda Soomaaliya oo ku aaddan tallaabooyinkan la qaaday, hase yeeshee xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana si dhow ula socda dadweynaha iyo siyaasiyiinta.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *