Muqdisho (Banaadir24) — Dowladda Uganda ayaa si rasmi ah u beenisay warar lagu faafiyay baraha bulshada oo sheegayay in dagaalyahannada Al-Shabaab ay weerar gaadmo ah ku dileen askar ka tirsan ciidamadeeda ku sugan Soomaaliya.
Dennis Katungi, oo ah ku-xigeenka madaxa xarunta warbaahinta dowladda Uganda, ayaa sheegay in wararkaasi ay yihiin kuwo been abuur ah oo ay faafinayaan Al-Shabaab, isaga oo xusay in Ciidanka Difaaca Shacabka Uganda (UPDF) ay diideen sheegashada ah in ciidamadooda la weeraray lagana dilay askar.
Wararka la faafiyay ayaa sheegayay in dagaalyahannada Al-Shabaab ay weerar gaadmo ah ku qaadeen kolonyo gaadiid ah oo ay la socdeen ciidamo Uganda ah, xilli ay ka baxayeen gobolka Shabeellaha Hoose, kuwaas oo qeyb ka ahaa howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).
Sheegashooyinkaasi ayaa lagu sheegay in weerarka lagu dilay inta u dhaxaysa 10 illaa 11 askari oo Uganda ah, hase yeeshee dowladda Uganda ayaa si cad u beenisay khasaarahaas, iyadoo ku tilmaantay wararkaasi kuwo aan sal iyo raad lahayn.
Beeninta Uganda ayaa imaneysa xilli dalkaasi uu bilaabay qorshe wejiyo kala duwan loo fulinayo oo ciidamadiisa looga saarayo Soomaaliya, kaddib ku dhowaad labaatan sano oo ay qeyb ka ahaayeen howlgalada nabad ilaalinta iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
Uganda ayaa hore u shaacisay in ciidamadeeda oo dhan laga saari doono Soomaaliya dhammaadka sanadka 2027, iyadoo bixitaankooda uu qeyb ka yahay isbeddelka amni ee dalka iyo qorshaha ciidamada Soomaaliyeed ay kula wareegayaan mas’uuliyadda amniga.
