Pretoria (Banaadir24) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Koonfur Afrika, Cyril Ramaphosa, ayaa maanta oo Jimce ah xarunta Madaxtooyada dalkaasi ee magaalada Pretoria si rasmi ah uga guddoomay waraaqaha aqoonsiga danjirenimo Safiirka cusub ee Dowladda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan Koonfur Afrika, Aadam Isxaaq Cali (Adam Issak Ali).
Guddoominta waraaqaha aqoonsiga ayaa si rasmi ah u asteyneysa bilowga waajibaadka diblomaasiyadeed ee safiirka cusub, kaas oo Soomaaliya ku matali doona dalka Koonfur Afrika.
Magacaabistan ayaa la filayaa inay door ka qaadato xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal, ballaarinta iskaashiga dhinacyada kala duwan iyo horumarinta danaha muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool Koonfur Afrika.
Safiirka cusub ayaa sidoo kale wajahaya masuuliyadda horumarinta xiriirka labada dowladood iyo xoojinta wada-shaqeynta Soomaaliya iyo Koonfur Afrika.
