Muqdisho (Banaadir24) — Dowladda Turkiga ayaa sheegtay in lix diyaaradood oo dagaal oo nooca F-16 ah oo ku sugnaa Soomaaliya laga qaaday dalka, kuwaas oo loo wareejiyey Turkiga si loogu sameeyo dayactir iyo adeegyo farsamo oo qorshaysnaa.
Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga ayaa Talaadadii, 17-kii November, shaacisay in diyaaradahaasi ay duulimaad dheer oo gaaraya 11,038 KM ah ku tageen magaalada Bandırma ee dalka Turkiga, iyagoo ka duulay Muqdisho, isla markaana aan meel dhexe ku hakan.
Wasaaraddu waxay sheegtay in duuliyeyaasha ka tirsan guutada 161-aad ee diyaaradaha dagaalka, kuwaas oo hoos yimaada ciidanka Turkiga ee Soomaaliya, ay hawlgalkan ku dhammeeyeen 55 saacadood, iyagoo fuliyey laba duulimaad oo kala duwan, isla markaana adeegsanayey shidaal-ku-shubis hawada ah.
Turkiga ayaa hawlgalkan ku tilmaamay mid farsamo ahaan aad u adag, kaas oo muujinaya awoodda ciidamadiisa cirka ee ay ku fulin karaan hawlgallo masaafo dheer ah.
Diyaaradaha F-16 ayaa Soomaaliya la keenay bishii Janaayo 2026, iyadoo markii ugu horreysay si rasmi ah loo xaqiijiyey joogitaankooda bishii Abriil, xilligaas oo ay ka qayb qaateen bandhigga duulimaadyada ee munaasabadda sannad-guurada 66-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Joogitaanka diyaaradahaasi wuxuu qayb ka yahay iskaashiga difaac iyo amni ee sii xoogaysanaya ee Soomaaliya iyo Turkiga, kaas oo salka ku haya heshiis iskaashi difaac iyo dhaqaale oo muddo 10 sano ah, labada dowladoodna kala saxiixdeen bishii Febraayo 2024.
Turkiga ayaa sidoo kale Soomaaliya ku leh xerada milatari ee TURKSOM, oo ah xaruntiisa tababarka milatari ee ugu weyn ee uu ku leeyahay meel ka baxsan dalkiisa, halkaas oo lagu tababaro ciidamada Soomaaliyeed.
Ankara ayaa sannadihii dambe ballaarisay taageerada milatari, iskaashiga badda iyo hawlaha sahminta tamarta ee Soomaaliya.
Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga ma aysan caddeyn in lixda diyaaradood ee F-16 ay Soomaaliya dib ugu soo laaban doonaan marka ay dhammeystaan dayactirka.
