Muqdisho (Banaadir24) — Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa shaacisay in laba xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab lagu dilay, halka saddex horjooge oo kale si culus loogu dhaawacay laba howlgal oo milatari oo laga fuliyay gobolka Hiiraan.
NISA ayaa sheegtay in howlgalka koowaad laga fuliyay inta u dhexeysa deegaannada Kheyraanle iyo Butaale, halkaas oo lagu dilay horjooge lagu magacaabi jiray Ismaaciil, kaas oo Al-Shabaab u qaabilsanaa dhaqaalaha deegaanka Aboorey.
Sidoo kale, waxaa halkaas lagu dilay Makaraan oo ahaa darawalkii hoggaamiyaha kooxda Al-Shabaab ee degmada Maxaas.
Howlgalka labaad ayaa ka dhacay degmada Moqokori, halkaas oo duqeyn lala beegsaday guri ay ku sugnaayeen saraakiil ka tirsan kooxda, waxaana halkaas ku dhaawacmay laba horjooge.
Hay’adda NISA ayaa intaas ku dartay in labada howlgal lagu burburiyay gaadiid iyo hub ay lahaayeen maleeshiyaadka Al-Shabaab, iyadoo howlgalada ay taageero ka heleen saaxiibada caalamiga ah ee Soomaaliya.
Howlgalladan ayaa qeyb ka ah duullaanka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobollada dalka, kaas oo ay ciidamada dowladda Soomaaliya ka wadaan iyagoo taageero ka helaya saaxiibada amniga ee caalamiga ah.
