Muqdisho (Banaadir24) — Warbixin cusub oo uu daabacay machadka Middle East Forum ayaa su’aalo ka keentay kalsoonida Turkiga ee la-dagaallanka argagixisada, iyadoo lagu dhaliilay doorka amni iyo kan milatari ee Ankara ku leedahay Soomaaliya.
Qoraalka uu qoray Michael Rubin, ayaa diiradda lagu saaray xiriirka amni ee Soomaaliya iyo Turkiga, gaar ahaan tababarka ciidamada gaarka ah ee Soomaaliyeed iyo xogaha la xiriira saraakiil lagu tababaray Turkiga.
Qoraaga ayaa sheegay in taliyihii cutubka gaarka ah ee Duufaan, oo Turkigu tababaray, uu la goostay kooxda Al-Shabaab, isagoo watay kombiyuutarro, qalab isgaarsiineed iyo dukumentiyo sir ah oo la xiriira howlaha amniga.
Arrintan ayuu ku tilmaamay mid su’aal gelinaysa habka Turkigu u xusho una hubiyo ciidamada uu tababaro, iyo awoodda ay iskaashiga amni ee labada dal u leeyihiin ka hortagga in xogaha xasaasiga ah ay gacanta u galaan kooxaha hubeysan.
Rubin ayaa sidoo kale dhaliilay joogitaanka ballaaran ee Turkiga ee Soomaaliya, isagoo ku eedeeyay Ankara inay dano dhaqaale iyo kuwo siyaasadeed ka dhex raadineyso dalka, halkii ay xoogga saari lahayd taageerada amniga Soomaaliya.
Warbixinta ayaa intaas ku dartay in nidaamka fiisaha elektaroonigga ah ee Soomaaliya uu wajahay dhibaatooyin la xiriira xogaha gaarka ah ee dadka codsanaya fiisaha, taas oo qoraagu ku xusay caqabadaha amni ee dalka ka jira.
Si kastaba ha ahaatee, qoraalka Middle East Forum wuxuu xambaarsan yahay aragti iyo dhaliilo uu qoruhu u jeedinayo siyaasadda Turkiga, mana aha warbixin madax-bannaan oo xaqiijinaysa dhammaan eedeymaha ku jira.
Turkiga ayaa muddo dheer kaalin ku lahaa tababarka ciidamada Soomaaliya, taageerada amniga iyo iskaashiga milatari ee labada dal, iyadoo saldhigga TURKSOM ee Muqdisho uu yahay xarun muhiim u ah tababarka ciidamada Soomaaliyeed.
