Muqdisho (Banaadir24) — Sareeye Guuto Cabdalla Cabdalla Maxamed, oo ahaa Taliyaha Hawlaha Gaarka ah ahna Taliye Xigeenka Booliska Soomaaliyeed, ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu iska casilay xilkii uu ka hayay ciidanka Booliska Soomaaliya, isagoo sabab uga dhigay caddaalad-darro, ku-takri-fal awoodeed iyo musuqmaasuq uu sheegay inay hareeyeen hay’adaha amniga.
Sarkaalkan oo muddo 18 sano ah ku dhex jiray howlaha amniga, ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in go’aankiisa uu salka ku hayo xaalad uu ku tilmaamay mid dhaawacaysa nidaamka dowladnimada, isla markaana meesha ka saaraysa caddaaladdii iyo isla xisaabtankii laga filayay hay’adaha dowladda.
Cabdalla ayaa si gaar ah u dhaliilay habka loo magacaabo qaar ka mid ah saraakiisha amniga, isagoo sheegay in xilalka iyo darajooyinka qaarkood lagu bixiyo eex, xiriir qoys iyo dano siyaasadeed, halkii lagu saleyn lahaa aqoon, karti iyo khibrad shaqo.
Wuxuu sidoo kale sheegay inuu la kulmay xaalado ay saraakiil aan lahayn tababar iyo waayo-aragnimo ku filan loo dhiibay xilal muhiim ah, halka dadka aqoonta iyo khibradda u leh shaqada laga weecinayo mas’uuliyadda.
Sarkaalku wuxuu intaas ku daray in mararka qaar marka madaxda wax laga weydiiyo caddaalad-darrada ka jirta hay’adaha, jawaabtu noqoto in laga tanaasulo arrinta si aan qof gaar ah loo dhibin.
“Qaranka lugaha uu ku istaagi karaa waa caddaaladda oo keliya,” ayuu ku nuuxnuuxsaday Cabdalla, isagoo ku baaqay in hay’adaha amniga lagu saleeyo aqoon, karti iyo hufnaan.
Ugu dambeyn, Cabdalla ayaa sheegay inuu si kama dambays ah uga baxay waxa uu tusaale ahaan ugu yeeray tareen khaldan oo uusan garanayn halka uu ku socdo iyo cidda wada, isagoo caddeeyay inuusan naftiisa ku biimayn karin gaari uu darawalkiisu aqoon u lahayn wadista.
Is-casilaaddan ayaa imaneysa xilli ay jiraan doodo ku saabsan hufnaanta, habka magacaabista iyo maamulka hay’adaha amniga Soomaaliya.
