Muqdisho (Banaadir24) — Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa digniin adag u diray hay’adaha iyo shakhsiyaadka ku hawlan soo saarista, faafinta iyo dhiirrigelinta waxyaabaha ka hor imaanaya Diinta Islaamka, dhaqanka suubban iyo qiyamka bulshada Soomaaliyeed.
Wasiirka ayaa caddeeyay in cid kasta oo lagu helo falalkaasi laga qaadi doono tallaabooyin sharci ah oo waafaqsan xeerarka dalka, isaga oo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta diinta, dhaqanka iyo hiddaha bulshada Soomaaliyeed.
Dhanka kale, Cabdulfataax Qaasim ayaa hay’adaha iyo ururrada ka shaqeeya arrimaha dhaqanka ugu baaqay inay si rasmi ah isaga diiwaangeliyaan Wasaaradda Warfaafinta, si loo xoojiyo wada-shaqaynta, loona helo isku-duwid rasmi ah oo ku saabsan hawlaha dhaqanka.
Wasiirka ayaa sheegay in tallaabadan ay qayb ka tahay dadaallada lagu horumarinayo iskaashiga Wasaaradda iyo hay’adaha dhaqanka, isla markaana lagu ilaalinayo qiyamka iyo hiddaha Soomaaliyeed.
