Sawirro:- Bannaanbax xoogan oo Maanta ka dhacay Degmada Walanweyn ee G/Shabeellaha Hoose

Wararka ka imaanaya degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in saakay ilaa hadda uu halkaasi ka socdo banaanbax ballaaran oo ay dhigayaan qaar kamid ah shacabka deegaanka, kaas oo siweyn looga dareemay Gudaha degmada.
Banaanbaxayaasha ayaa si weyn uga cabanaya diidmada lagu sameeyay lacagta Shilling-ka Soomaaliga, taasoo saameyn ku yeelatay nolol maalmeedka dadka, gaar ahaan ganacsiga iyo wax kala iibsiga. Suuqyada degmada Wanlaweyn ayaa gabi ahaanba xiran, iyadoo dhaqdhaqaaqii ganacsi uu istaagay.
Dadka banaanbaxa dhigaya ayaa dalbanaya in si degdeg ah dib loogu oggolaado isticmaalka Shilling-ka Soomaaliga, iyagoo tilmaamaya in lacagtaasi ay laf-dhabar u tahay noloshooda maalinlaha ah.
Arrintan ayaa horey uga dhacday deegaano kale oo dalka ka mid ah, halkaas oo banaanbaxyo la mid ah ay ka dhaceen, ugu dambeyntiina dib loogu fasaxay isticmaalka Shilling-ka Soomaaliya. Magaalooyinka ay tani ka dhacday waxaa ka mid ah Muqdisho iyo Baydhabo.
Ilaa iyo hadda lama hayo wax war rasmi ah oo ka soo baxay maamulka degmada Wanlaweyn ama maamulka gobolka Shabeellaha Hoose oo ku aaddan xaaladda taagan, waxaana la filayaa in saacadaha soo socda ay maamulka iyo laamaha Ammaanka amarro la xiriira qaadashada lacagta Soomaaliga soo saaraan.










