LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Sheekh Shariif oo ka hadlay xaaladda dalka Farriin hanjabaad ahna u diray Madaxweyne Xasan Sheekh

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa ka hadlay shirar ay mucaaradku uga socdaan magaalada Muqdisho, kuwaas oo diiradda lagu saarayo xaaladda cakiran ee siyaasadeed ee dalka iyo mustaqbalka doorashooyinka.

Sheekh Shariif ayaa sheegay in ujeeddada kulamadan ay tahay ka tashiga aayaha dalka, isaga oo xusay in ay la kulmeen qaybaha kala duwan ee bulshada sida odayaasha dhaqanka, culimada iyo haweenka, isla markaana ay ka mideysan yihiin aragtida ku aaddan xaaladda taagan.

Wuxuu sidoo kale carrabka ku adkeeyay in muddo xileedka dowladda uu dhammaaday, iyadoo aan weli la gaarin heshiis rasmi ah oo ku saabsan hannaanka doorashooyinka. Sida uu sheegay, arrintan ayaa abuurtay hubanti la’aan siyaasadeed iyo qal-qal ka jira dalka.

“Doorashadaan beenta ah uma socon doonto qolada hadda joogta, waa nasiib darro weyn in muddo xileedka dowladda uu dhammaado iyadoo aan heshiis laga gaarin arrimaha doorashada, waxaana dalka ka jira qal-qal,” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Dhanka kale, wuxuu eedeyn culus u jeediyay dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo ku eedeeyay in ay wado qorshe uu ku tilmaamay “boob doorasho” iyo in xisbiga talada haya uu keligiis ka shaqeynayo arrimaha siyaasadda.

Ugu dambeyn, Sheekh Shariif ayaa ka hadlay xaaladaha bani’aadantinimo ee la xiriira barakaca shacabka, isaga oo sheegay in mucaaradku ay qorsheynayaan in ay la kulmaan dadka dhibaatada kasoo gaartay barakicinta iyo colaadaha si ay uga dhageystaan cabashooyinkooda.

Hadalkan ayaa imanaya xilli Soomaaliya ay wajaheyso xaalad siyaasadeed oo murugsan, iyadoo weli la isku mari la’yahay hannaanka doorashooyinka iyo wax ka beddelka lagu sameeyay dastuurka KMG ah.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *