Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay Ciidankii Laftagareen oo hubkoodii la galay gobolka Gedo

Safiirka Dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Tanzania, Ilyaas, ayaa sheegay in hub la sheegay in lagu iibiyay hantida shacabka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed loo daabulay gobolka Gedo.
Qoraal uu safiirku ku daabacay bartiisa Facebook ayuu ku sheegay in mas’uuliyad gaar ah ay saaran tahay madaxda iyo shacabka ku nool gobolka Gedo, si ay uga shaqeeyaan in hubkaas dib loogu soo celiyo maamulka Koonfur Galbeed.
“Waa nasiibdarro aad u weyn in hubkii lagu iibiyey canshuurta shacabka reer Koonfur Galbeed maanta loo raro Doolow,” ayuu yiri safiirka, isagoo intaas ku daray in laga rabo dadka deegaanka inay qaataan doorkooda ku aaddan soo celinta hubka.
Safiirku ma uusan soo bandhigin caddeymo muujinaya sax ahaanshaha eedeyntiisa, hase yeeshee wuxuu fariin culus u diray dhinacyada ku lugta leh arrintan.
Hadalkan ayaa imanaya xilli ay weli taagan yihiin muranno siyaasadeed iyo amni oo ka jira qeybo ka mid ah dalka, gaar ahaan gobolka Gedo, oo marar badan ay isku qabteen dhinacyo kala duwan.









