Dowladda Soomaaliya oo Xabsi Guri gelisay Guddoomiyaha Magaalada Baydhabo

Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa sheegaya in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay xayirtay dhaq-dhaqaaqa Guddoomiyaha Magaalada Baydhabo, Cabdullaahi Watiin.
Ilo wareedyo kala duwan ayaa xaqiijiyay in guddoomiyaha laga reebay ciidamadii ilaaladiisa ahaa, isla markaana laga qaaday hubkii culus ee uu watay. Sidoo kale, waxaa si weyn loo xaddiday dhaqdhaqaaqiisa.
Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in tallaabadaan ay ka dambeyso kaddib markii lagu tuhmay inuu door ku lahaa fududeynta baxsiga askar iyo hub ay lahayd Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, kuwaas oo la sheegay in loola baxsaday dhanka Degmada Doolow ee Gobolka Gedo.
Ilaa hadda, mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Koofur Galbeed kama aysan hadlin arrintan, waxaana la filayaa in saacadaha ama maalmaha soo socda ay soo baxaan faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan sababta loo xayiray dhaq-dhaqaaqa guddoomiyaha.









