LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Sawirro:- Taliyaha Xogga oo kormeeray ciidamo loo diyaariyay la dagaalanka Al-Shabaab

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa kormeer shaqo ku tegay fariisimaha Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ay ku leeyihiin degmada Waajid ee gobolka Bakool, kuwaas oo loo diyaariyay la dagaalanka Al-Shabaab.

Wafdiga Taliyaha ayaa waxaa si diirran ugu soo dhaweeyay saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, kuwaas oo warbixin faahfaahsan ka siiyay xaaladda amni ee deegaanka iyo guulaha laga gaaray howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Ujeedka safarka Taliyaha ayaa lagu sheegay dardargelinta howlgalada ka socda gobolka, isagoo sidoo kale dhiirrigelin u sameeyay ciidamada ku sugan jiidaha hore. Taliyaha ayaa ku booriyay askarta inay laba jibbaaraan dadaalkooda ku aaddan ciribtirka argagixisada, si loo xaqiijiyo nabadda iyo xasilloonida dalka.

Intii uu ku sugnaa Waajid, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa kulan gaar ah la yeeshay odayaasha dhaqanka ee degmada, isagoo kala hadlay doorka ay ku leeyihiin taageeridda amniga iyo la shaqeynta ciidamada.

Kormeerkan ayaa ah mid muhiim ah, waxaana uu Taliyaha noqday masuulkii ugu horreeyay ee heerkan ah ee safar shaqo ku taga degmada Waajid, arrintaas oo muujinaysa muhiimadda ay dowladda siinayso xasillinta iyo horumarinta gobolka Bakool.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *