LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Dowladda Soomaaliya oo Maanta diyaarad siday Ciidamo ka dejisay degmada Luuq ee Gobolka Gedo

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta diyaarad siday Ciidamo aad u farabadan ka dejisay degmada Luuq ee gobolka Gedo, waxaana la sheegay inay yihiin cutubkii ugu horreeyay ee ciidamo ka tirsan Kumaandooska Gorgor, sida ay xaqiijiyeen saraakiil amni.

Saraakiisha ayaa sheegay in tani ay qeyb ka tahay qorshe lagu xoojinayo amniga gobolka, iyagoo xusay in duulimaadyo kale oo dheeraad ah la filayo saacadaha iyo maalmaha soo socda si loo gaarsiiyo ciidamo iyo sahay ciidan.

Degmada Luuq ayaa sidoo kale maalmo ka hor waxaa gaaray cutubyo kale oo ka tirsan ciidamada milatariga, taasoo muujineysa dadaal kordhay oo dowladda ay ku xoojineyso joogitaankeeda gobolka Gedo.

Wararka ayaa tilmaamaya in inta badan gobolka Gedo uu haatan gacanta ku hayo maamulka Dowladda Federaalka Soomaaliya, marka laga reebo degmooyinka Ceelwaaq iyo Doolow oo weli ka baxsan gacanta dowladda.

Dhaqdhaqaaqyada ciidan ee ka socda gobolka ayaa imaanaya xilli dowladda ay waddo qorshayaal ay ku dooneyso in doorashooyin qof iyo Cod ah ay ka qabato Gobolka Gedo, iyada oo Maamulka Jubbaland dhankooda ay siweyn uga soo horjeedaan.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *