LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Sidee Magaalada Baydhabo loogu soo dhaweeyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe?

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Nuur Madoobe, ahna musharrax u taagan xilka Madaxweynaha Koonfur Galbeed, ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Wafdiga Guddoomiyaha ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Shaati Gaduud, halkaas oo ay ku qaabileen hoggaamiyaha KMG ah ee Koonfur Galbeed Jibriil Cabdirashiid Xaaji, wasiirro ka tirsan maamulka, xildhibaanno ka kala tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Guddoomiye Aadan Madoobe oo hadal kooban ka jeediyay goobta soo dhaweynta ayaa sheegay in uu ka shaqeyn doono dhismaha Koonfur Galbeed loo dhan yahay, isagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda midnimada iyo wadajirka bulshada.

Wararka ayaa sheegaya in maalmaha soo socda uu si rasmi ah uga bilaabi doono magaalada Baydhabo ololihiisa doorashada, iyadoo la filayo in uu ka mid noqdo musharraxiinta ugu cadcad ee xilka Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Imaanshiyaha wafdigan ayaa kusoo beegmaya xilli ay si xowli ah uga socdaan magaalada Baydhabo diyaargarowga doorashada maamulka Koonfur Galbeed, taas oo indhaha siyaasiyiinta iyo shacabka Soomaaliyeed ay si gaar ah ugu jeedaan.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *