LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Sawirro:- Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka oo gaaray Degmada Xudur kuna dhawaaqay dagaal

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, oo ay wehliyaan Taliyaha Taliska Tababarrada XDS S/Guuto Axmed Ciise Axmed iyo saraakiil kale oo ka tirsan ciidanka, ayaa booqasho shaqo ku tagay degmada Xudur ee gobolka Bakool.

Wafdiga Taliyaha ayaa si diirran loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee magaalada Xudur, halkaas oo ay ku qaabileen saraakiisha Guutada 9-aad, maamulka degmada, shacabka deegaanka iyo saraakiil ka tirsan howlgalka ATMIS.

Intii ay booqashada ku guda jireen, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa kormeeray dugsiga tababarka ciidanka ee degmada Xudur, halkaas oo uu kula kulmay cutubyo cusub oo tababar uu u socdo. S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa ciidamada cusub u jeediyay hadallo dhiirrigelin ah, isagoo ku boorriyay inay si hufan uga faa’iideystaan tababarka loo siinayo.

Dhankiisa, Taliyaha Taliska Tababarrada XDS S/Guuto Axmed Ciise Axmed ayaa la dardaarmay askarta cusub, isagoo kula taliyay inay muujiyaan anshax, dulqaad iyo u heellanida difaaca dalka.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in cutubyadan cusub dhawaan loo soo xiri doono tababarka, isla markaana ay si toos ah uga qeyb qaadan doonaan howlgalka ka dhan ah Ururka Al-Shabaab.

Ugu dambeyn, S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa faray ciidamada cusub inay door muuqda ka qaataan xoreynta iyo isku furidda degmooyinka gobolka Bakool, si loo xaqiijiyo amniga iyo xasiloonida deegaannadaas.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *