LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Dowladda Soomaaliya oo Safiir cusub u magacaawday dalka Nigeria warqadahana laga guddoomay

Danjiraha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Nigeria, Mudane Mohamed Osman Mohamed, ayaa si rasmi ah waraaqaha aqoonsiga safiirnimo ugu gudbiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Nigeria, Mudane Bola Ahmed Tinubu, xilli lagu qabtay xaflad rasmi ah.

Madaxweynaha Nigeria ayaa si diirran u soo dhoweeyay danjiraha cusub, isaga oo muujiyay sida ay Dowladda Nigeria uga go’an tahay xoojinta iyo horumarinta xiriirka saaxiibtinimo iyo iskaashiga istiraatiijiyadeed ee kala dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Madaxweyne Tinubu ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo wada-shaqeynta dhinacyada mudnaanta leh sida ganacsiga, amniga, horumarka waara iyo is-dhaafsiga dhaqanka.

Danjire Mohamed Osman Mohamed ayaa dhankiisa uga mahadceliyay Madaxweynaha Nigeria soo dhoweynta diirran, isaga oo caddeeyay sida ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya labada dal. Waxa uu xusay in uu ka shaqeyn doono kobcinta iskaashi miro-dhal ah oo dan u ah labada shacab.

Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Nigeria ayaa mar kale adkaysay sida ay Dowladda Soomaaliya uga go’an tahay horumarinta xiriirrada caalamiga ah ee ku dhisan ixtiraam is-dhaafsi ah, iskaashi wax-ku-ool ah iyo dan-wadaag.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *