Askari Kenyan ah oo lagu qabtay dagaalka Ukraine

Ciidamada dalka Ukraine, gaar ahaan cutub ka tirsan guutada 425aad ee weerarka, ayaa gacanta ku dhigay askari u dhashay dalka Kenya, kaasoo la sheegay inuu ka barbar dagaallamayay ciidamada waddanka Ruushka qeybna ka ahaa dagaalka Ruushka iyo Ukraine.
Ninkan oo lagu magacaabo Joseph Kabugi, 41 jir ah, ayaa lagu qabtay meel u dhow furimaha dagaalka ee gobolka Kharkiv, sida ay sheegayaan wararka ugu dambeeyay.
Wararka ayaa tilmaamaya in Kabugi uu markii hore u safray Ruushka si uu shaqo uga helo, gaar ahaan dhanka tiknoolajiyadda (IT), balse markii dambe lagu qasbay ama lagu khiyaaneeyay inuu saxiixo heshiis ciidan, ka dibna si degdeg ah loogu diray furimaha dagaalka.
Kabugi ayaa sheegay in uu helay tababar kooban oo milatari, ka hor inta aan loo dirin jiidda hore ee dagaalka, halkaas oo uu dhaawac ka soo gaaray dagaalka ka socda Ukraine.
Ciidamada Ukraine ayaa sheegay inay qabteen isagoo nool, islamarkaana si wanaagsan loola dhaqmay kadib qabashadiisa, iyadoo la siiyay cunto iyo daryeel aasaasi ah.
Dhacdadan ayaa mar kale iftiiminaysa arrin si weyn loo hadal hayo oo ku saabsan muwaadiniin Afrikaan ah, gaar ahaan Kenyan, oo lagu qorto dagaalka Ukraine, iyadoo badankood loo ballanqaado shaqooyin rayid ah balse ugu dambeyn lagu daro ciidamada Ruushka.
Warbixino hore ayaa sidoo kale muujinayay in dad badan oo Kenyan ah lagu qaldo ballanqaadyo shaqo, kadibna si khasab ah loogu daro ciidamada, loona diro goobaha dagaalka ee halista ah.
Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay dowladda Kenya oo ku saabsan xaaladda Joseph Kabugi, balse dhacdadan ayaa sii kordhinaysa walaaca ku saabsan muwaadiniinta dalkaas ee ku lug yeeshay dagaalka u dhexeeya Ruushka iyo Ukraine.









