Sawirro:- Meydka qof uu dilay Roobka oo laga helay War ku taalla Muqdisho

Waaxda Gurmadka Degdegga ee Gobolka Banaadir ayaa maanta fulisay howlgal samatabixin ah oo ka dhacay aagga Warta Biyaha ee KM4, halkaas oo laga soo saaray meyd qof shacab ah oo ku geeriyooday gudaha biyo-qabadka.
Agaasimaha Waaxda Gurmadka Degdegga oo gaaray goobta ayaa bulshada ku booriyay in ay muujiyaan feejignaan dheeraad ah xilliyada roobabka, isla markaana laga fogaado meelaha ay biyuhu ku ururaan iyo waddooyinka ay maraan daadadka, si loo yareeyo khataraha nafeed ee ka dhalan kara.
Dhacdadan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo shalay roobab ka da’ay magaalada Muqdisho ay sababeen khasaare kale oo nafeed, kadib markii koronto ka dhalatay roobka ay dishay saddex ruux oo ku sugnaa degmada Xamarweyne ee Gobolka Banaadir.
Maamulka ayaa mar kale ku celiyay baaqa ku aaddan in bulshada ay qaataan taxaddar dheeraad ah inta lagu jiro xilli roobaadka, si looga hortago masiibooyinka la xiriira daadadka iyo korontada.












