Hay’ad Caalami ah oo dalbatay in si deg deg ah lagu sii daayo Sacdiyo Bajaaj

Hay’adda Amnesty International ayaa ugu baaqday dowladda Somalia inay si degdeg ah oo shuruud la’aan ah u sii deyso gabadha lagu magacaabo Sacdio Macalin Cali, taas oo la sheegay in si sharci-darro ah loo xiray.
Sadia Moalim Ali oo ah darawal bajaaj, isla markaana ah qof si firfircoon uga hadla arrimaha bulshada, ayaa lagu xiray 12-kii Abriil magaalada Mogadishu. Xarigeeda ayaa waxaa fuliyay saraakiil ka tirsan laamaha Ammaanka Soomaaliya, iyadoo lagu eedeeyay hadallo ay ku baahisay baraha bulshada iyo ka qeybgalka dibadbaxyo nabadeed.
Wararka ayaa sheegaya in markii hore lagu hayay saldhigga booliiska Xamar Jajab muddo laba maalmood ah, ka hor inta aan loo wareejin Xabsiga Dhexe ee Muqdisho 14-kii Abriil, halkaas oo ay weli ku xiran tahay.
Qoyska Sacdiyo ayaan weli ogayn wax dacwad rasmi ah oo lagu soo oogay, balse ilo lagu kalsoon yahay ayaa u sheegay Amnesty International in maxkamadda gobolka Banaadir ay siisay booliska amar ay ku hayn karaan 90 maalmood, si baaritaanno dheeraad ah loo sameeyo.
Hay’addu waxay sheegtay in xarigga Sacdiya uu si toos ah ula xiriiro adeegsiga xuquuqdeeda aasaasiga ah, gaar ahaan xorriyadda hadalka iyo isu imaatinka nabadeed.
Warbixin dheeri ah oo la socota arrintan ayaa tilmaamaysa in tani aysan ahayn markii ugu horreysay ee Sacdiyo la xiro. Horey ayaa loo xiray 12-kii Maarso kadib markii ay ka qeyb gashay dibadbaxyo looga soo horjeeday kororka qiimaha shidaalka, inkastoo afar maalmood kadib la sii daayay.
Amnesty International waxay sidoo kale muujisay walaac ku saabsan xaaladda guud ee xuquuqda aadanaha ee Soomaaliya tan iyo markii uu xilka la wareegay Madaxweynaha Hassan Sheikh Mohamud sanadkii 2022. Waxay sheegtay in xorriyadaha hadalka, saxaafadda iyo isu imaatinka si weyn loo xaddiday, iyadoo saxafiyiin iyo dad u ololeeya xuquuqda aadanaha ay la kulmeen handadaad, xarig iyo tacaddiyo kale.
Sidoo kale, tan iyo sanadkii 2025, dowladda ayaa la sheegay inay kordhisay dadaallada lagu xakameynayo warbaahinta, iyadoo Wasaaradda Warfaafinta ay soo saartay amarro mamnuucaya daabacaadda wararka loo arko kuwo halis gelin kara amniga qaranka ama faafinaya xog aan sax ahayn.
Amnesty International ayaa ugu dambeyn ugu baaqday dowladda Soomaaliya inay si degdeg ah u sii deyso Sadia Moalim Ali, isla markaana hubiso in inta ay xiran tahay ay hesho daryeel caafimaad, qareen iyo xiriir ay la yeelato qoyskeeda.










