LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Dowladda oo Ciidan xoogan geysay Degmada Luuq & xiisad ka taagan

Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Somalia ayaa maanta ciidan xoogan geysay degmada Luuq ee gobolka Gedo, xilli ay soo baxayaan ifafaalo muujinaya dib u soo cusboonaanshaha xiisado siyaasadeed iyo amni oo muddooyinkii dambe ka jiray gobolkaas.

Wararka laga helayo Luuq ayaa sheegaya in ciidamada la geeyay ay qeyb ka yihiin dadaallo la xiriira xoojinta amniga iyo sidoo kale qorshayaal siyaasadeed oo la rumeysan yahay inay dowladda federaalku ka damacsan tahay gobolka Gedo, gaar ahaan inay ka qabato doorashooyinka qof iyo Codka ah.

Dhanka kale, Taliyaha Qeybta 43-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta diyaarad ku tegay degmada Luuq, halkaas oo si diirran loogu soo dhaweeyay isaga iyo wafdigiisa. Saraakiisha ciidamada ee ku sugan degmada ayaa la sheegay inay la yeesheen kulamo ku saabsan xaaladda amni iyo abaabulka ciidamada.

Xogaha la helayo ayaa sidoo kale tilmaamaya in degmada Luuq ay haatan ku wada sugan yihiin maamulo kala taageersan Dowladda Federaalka iyo Jubbaland, arrintaas oo sii xoojineysa muranka siyaasadeed ee gobolka. Labada dhinac ayaa mid walba isku dayaya inuu saameyn ku yeesho maamulka iyo jihada siyaasadeed ee Gedo.

Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Jubbaland, Mahamuud Sayid Aadan, ayaa horey wareysi uu siiyay BBC ugu sheegay in Dowladda Federaalka ay qorsheyneyso inay doorasho ka qabato gobolka Gedo. Hadalkan ayaa sii huriyay walaaca laga qabo suurtagalnimada isku dhac siyaasadeed oo hor leh.

Xiisadda gobolka Gedo ayaa muddooyinkii u dambeeyay ahayd mid marba heer gaarta, iyadoo ay jirto kala aragti duwanaansho ku saabsan maamulka gobolka, doorashooyinka, iyo cidda awoodda u leh hagista howlaha dowladeed.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *