LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Sawirro:- Dowladda Soomaaliya oo Ciidamo xoogan & Gaadiidka dagaalka u dirtay Shabeellaha Hoose

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho ka sagootisay kumanaan askari oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, kuwaas oo loo dirayo furimaha dagaalka ee gobolka Shabeellada Hoose, si loo xoojiyo howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka, Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar (Gen. Khaalid), ayaa khudbad uu u jeediyay ciidamada ku boorriyay inay muujiyaan feejignaan, geesinimo iyo wadaniyad, isla markaana ay u diyaar garoobaan xoreynta deegaanada wali ay ku dhuumaaleysanayaan Al-Shabaab ee gobolka Shabeellada Hoose.

“Waxaa idinka la sugayaa inaad soo afjartaan cabsida iyo dhibaatada ay Al-Shabaab ku hayaan shacabka. Waa waajib qaran in la xoreeyo dhulka wali gacantooda ku jira,” ayuu yiri Taliyaha.

Howlgalkan cusub ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee dowladda federaalka ay ku dooneyso in ay dib ugu soo celiso amniga iyo xasiloonida guud ahaan dalka, gaar ahaan gobollada ay weli ka jiraan falalka amni darro.

Bilihii la soo dhaafay, Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaya ciidamada deegaanka, gaar ahaan kuwa beesha Biimaal, ayaa guulo ka gaaray howlgallo ka dhacay deegaanno hoostaga degmada Marka. Ciidamada ayaa markaas Al-Shabaab ka saaray dhowr tuulo oo istiraatiiji ah, oo ay ku jirto waddada muhiimka ah ee xiriirisa Muqdisho iyo Marka, gaar ahaan dhanka xeebta.

Sidoo kale, saraakiisha ciidamada ayaa tilmaamay in howlgalladan cusub ay noqon doonaan kuwo ka ballaaran kuwii hore, islamarkaana lagu beegsan doono fariisimaha iyo marinada ay kooxda Al-Shabaab u adeegsato dhaqdhaqaaqyada ay ku carqaladeyneyso amniga.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *