Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh ay Villada uga saarayaan Firinbi

Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa sheegay in mucaaradku isu diyaarinayo dadaallo siyaasadeed oo xooggan si xukunka looga tuuro madaxweynaha hadda talada haya ee Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo uu xusay in waqtiga xilkiisa uu ku egyahay 15-ka May ee soo socota.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa tilmaamay in ay jiraan “habab kala duwan oo lagu beddeli karo hoggaanka dalka,” isagoo adeegsaday erayga “Firinbi” oo uu ku macneeyay awood bulsho iyo mid siyaasadeed oo lagu cadaadin karo xukuumadda jirta.
Wuxuu tusaale u soo qaatay bannaanbaxyo ka dhacay gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka, halkaas oo shacabka ay si weyn uga dhiidhiyeen howlgalada hay’adda socdaalka ee ICE. Bannaanbaxyadaasi ayaa noqday kuwo ballaaran oo ay ka qeyb galeen kumannaan qof, isla markaana muujiyay awoodda shacabka ee saameynta ku yeelan karta go’aamada dowladda.
Guddoomiyaha Xisbiga Wadajir ayaa sheegay in mucaaradku doonayo in uu ka faa’iideysto awoodda shacabka, isaga oo ku baaqay in la mideeyo dadaallada siyaasadeed iyo kuwa bulshada si isbeddel loo gaaro.
Hadalkan ayaa imaanaya xilli dalka uu galay marxalad siyaasadeed oo xasaasi ah, iyadoo ay soo dhowdahay waqtiga doorashooyinka iyo doodaha ku saabsan hannaanka kala guurka. Falanqeeyayaal siyaasadeed ayaa qaba in hadallada noocan oo kale ah ay muujinayaan kororka cadaadiska siyaasadeed ee saaran dowladda, balse ay sidoo kale keeni karaan xiisado hor leh haddii aan si taxaddar leh loo maareyn.









