Guddoomiyihii Magaalada Baydhabo oo xilkii laga qaaday kadib hub ka dhigistii lagu sameeyay

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Dowladaha Hoose iyo Dib-u-heshiisiinta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Maxamed Isaaq Cismaan (Fanaax), ayaa si rasmi ah xilkii uga qaaday Guddoomiyihii Degmada Baydhabo, Cabdullaahi Watiin.
Wareegto kasoo baxday xafiiska wasiirka, oo ku taariikheysan 25-ka April 2026, ayaa lagu sheegay in xilka Guddoomiyaha Degmada Baydhabo loo magacaabay Cabdiraxmaan Ibraahim Aadan (Sate), kaas oo isla markiiba la faray inuu la wareego xilka.
Wasaaradda ayaa sheegtay in go’aankan lagu saleeyay awoodaha sharci ee wasaaradda iyo baahida loo qabo dardargelinta howlaha maamulka iyo amniga magaalada Baydhabo.
Sidoo kale, wareegtada ayaa faraysa maamulka Gobolka Baay iyo laamaha ammaanka inay gacan ka geystaan hirgelinta go’aanka, isla markaana ay fududeeyaan la wareegidda xilka cusub.
Dhanka kale, Guddoomiyihii xilka laga qaaday, Cabdullaahi Watiin, ayaa maalmahan dambe la kulmayay cadaadis, kaddib markii Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku soo rogtay hub ka dhigis iyo xabsi guri, iyadoo looga shakiyay inuu xiriir la lahaa ciidamada la sheegay inay hub iyo gaadiid dagaal ula baxsadeen Gobolka Gedo.










