Ciidamadii Laftagareen oo gaaray duleedka Luuq iyo xiisad ka dhalatay

Wararka laga helayo gobolka Gedo ayaa sheegaya in ciidamo taabacsanaa maamulkii hore ee Koonfur Galbeed ay gaareen duleedka magaalada Luuq ee Gobolka Gedo, kadib safar saacado badan qaatay oo ay uga baxeen Gobolka Baay.
Ciidankan ayaa la sheegay inay ka soo dhaqaaqeen deegaanka Awdiinle, halkaas oo ay dhowaan ku sugnaayeen, kadib markii ay cadaadis kala kulmeen Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa loo yaqaan Badbaado Koonfur Galbeed, kuwaas oo horay Koonfur Galbeed uga Eeyay madaxweynihii hore ee maamulkaasi Cabdicasiis Laftaagreen.
Goob-joogayaal ku sugan Luuq ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in maamulka degmada uu diiday in ciidankan ay gudaha u soo galaan magaalada, taasoo keentay inay ku hakadaan duleedka degmada Luuq ee Gobolkaasi Gedo.
Xaaladda ayaa weli kacsan, iyadoo aan la ogeyn sida ay wax u dhici doonaan saacadaha soo socda, waxaana laga cabsi qabaa in xiisaddu isu beddesho iska horimaad haddii xal degdeg ah la waayo, waxaana socda waan waan ay wadaan Odayaasha Degaanka.









