Muqdisho (Banaadir24) — Warbixin cusub oo uu daabacay wargeyska Mareykanka ee The New York Times ayaa shaaca ka qaaday in Imaaraadka Carabta uu muddo sannado ah si hoose uga dhisayay laba xarumood oo ciidan garoomada diyaaradaha Berbera iyo Boosaaso, kuwaas oo hadda indhaha ku haya dowladda Mareykanka.
Warbixinta oo lagu saleeyay sawirro dayax-gacmeed iyo baaritaan muuqaal ah ayaa muujisay dhismayaal ciidan, hangarro diyaaradeed, goobo ay diyaaraduhu ka degaan, difaacyo cirka ah iyo xarumo kayd oo dhulka hoostiisa laga dhisayo.
Sida uu qoray wargeyska, dhismaha xarunta Berbera ayaa billowday sannadkii 2018-kii, waxaana sannadihii xigay lagu kordhiyay dhismayaal amni iyo qalab u muuqda kuwo loogu talagalay hawlgallo militari.
Sidoo kale, garoonka diyaaradaha Boosaaso ayaa lagu arkay dhismayaal la mid ah kuwa Berbera, oo ay ku jiraan hangarro diyaaradeed, goobo ay diyaaradaha qumaatiga u kaca ka degaan iyo nidaam difaac oo cirka ah.
Mareykanka oo daneynaya labada saldhig
Qodobka ugu xasaasisan ee warbixinta ayaa ah in Mareykanka uu daneynayo adeegsiga labada xarumood, iyadoo diyaarado militari oo Mareykan ah ay booqdeen Berbera iyo Boosaaso sannadkii u dambeeyay.
Laba qof oo xog-ogaal u ah hawlgallada Mareykanka ee Boosaaso ayaa wargeyska u sheegay in halkaas ay joogaan ilaa 24 askari oo ka tirsan ciidamada gaarka ah ee Mareykanka, kuwaas oo taageeraya dagaalka Puntland kula jirto kooxaha hubeysan.
Si kastaba ha ahaatee, saraakiil Mareykan ah ayaa wargeyska u sheegay in Washington aysan qorsheyneyn joogitaan militari oo joogto ah oo ay ka sameysato Berbera ama Boosaaso, balse ay dooneyso inay kala shaqeyso saaxiibbadeeda gobolka ilaalinta danaha Mareykanka.
Maxaa arrintan ka dhigaya mid xasaasi ah?
Warbixintan ayaa soo baxday xilli uu cirka isku sii shareeray khilaafka Soomaaliya iyo Imaaraadka, iyadoo dowladda Federaalka ay ku eedeysay Abu Dhabi inay saldhigyo ciidan ka dhisatay dalka, heshiisyo la gashay maamul goboleedyo iyada oo aan oggolaansho ka haysan Muqdisho, isla markaana ay taageerto ciidamo aan ku jirin silsiladda taliska dowladda dhexe.
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa horey u sheegay in tallaabooyinka Imaaraadka ay halis ku yihiin madax-bannaanida iyo midnimada dalka.
Khilaafka ayaa gaaray heer ay dowladda Soomaaliya 72 saacadood u qabatay safiirka Imaaraadka inuu dalka kaga baxo, halka ay sidoo kale safiirkeedii u joogay Abu Dhabi ugu yeertay wadatashi.
Imaaraadka ayaan ka jawaabin su’aalihii ay The New York Times ka weydiisay labada saldhig, wuxuuna horey u diiday eedeymaha faragelinta Soomaaliya.
Arrintan ayaa dhalineysa su’aalo waaweyn oo ku saabsan cidda maamusha xarumaha militari ee ku yaalla dhulka Soomaaliyeed, heshiisyada lagu dhisay iyo doorka quwadaha shisheeye ee ku loollamaya gobolka Geeska Afrika.
Banaadir24
