Muqdisho (Banaadir24) — Qaraxyo kala duwan oo geystay dhimasho iyo dhaawac ayaa shalay gelinkii dambe ka dhacay degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kuwaas oo lala beegsaday ciidamada Midowga Afrika ee AUSSOM iyo xubno ka tirsan sirdoonka dowladda Soomaaliya.
Qaraxa koowaad ayaa lala beegsaday ciidamada Burundi ee qeybta ka ah howlgalka AUSSOM, kuwaas oo ku sugnaa xero ay ka deggan yihiin gudaha degmada Balcad.
Wararka laga helayo goobta ayaa sheegaya in qaraxaas uu sababay dhimashada ugu yaraan hal askari oo Burundi ah, kaas oo magaciisa lagu sheegay Michael, halka ay ku dhaawacmeen sagaal askari oo kale oo sida ay sheegatay kooxda Al-Shabaab.
Dhanka kale, qarax labaad ayaa isla shalay lala beegsaday ciidamo dharcad ah oo ka tirsan hay’adda sirdoonka iyo nabadsugidda dowladda Soomaaliya, kuwaas oo ku sugnaa fariisin ku yaalla gudaha degmada Balcad.
Qaraxaas ayaa la sheegay inuu sababay dhimashada ugu yaraan hal askari oo ka tirsanaa sirdoonka dowladda, halka laba askari oo kale ay ku dhaawacmeen.
Marka laga reebo sheegashada Al-Shabaab ma jiraan ilo ka madax banaan oo xaqiijinaya dhimashada iyo dhaawaca ay sheegtay kooxda.
