Close Menu

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    What's Hot

    Dowladda Soomaaliya oo wajahaysa cadaadis: Eedeymo musuqmaasuq iyo dagaal siyaasadeed

    25 November 2026

    Xog cusub: Ciidamo tiro badan oo laga soo qaaday Galmudug lana geeyay furimaha Shabeellaha Hoose

    25 November 2026

    Maxaa ka dhacay Golweyn? Al-Shabaab oo sheegatay weerar lagu qaaday ciidamada Uganda

    24 November 2026
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Vimeo
    Banaadir24 Online
    Subscribe Login
    • Home
    • Post Categories
      • WARARKA
      • ENGLISH NEWS
      • DUNIDA
      • BUSINESS
      • LATEST NEWS
      • LOCAL NEWS
      • OPINIONS
    • About Us
    • Contact Us
    • More
      • Privacy Policy
      • Terms and Conditions
    Banaadir24 Online
    • Privacy Policy
    • About Us
    • Contact Us
    • Terms and Conditions
    Home » 72 saac kadib go’aankii Dowladda Soomaaliya, Abu Dhabi oo jawaab lama filaan ah soo saartay
    LATEST NEWS

    72 saac kadib go’aankii Dowladda Soomaaliya, Abu Dhabi oo jawaab lama filaan ah soo saartay

    Banaadir24By Banaadir2421 November 2026No Comments2 Mins Read
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr WhatsApp VKontakte Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Muqdisho (Banaadir24) — Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa markii ugu dambeysay si adag uga hadashay xiisadda diblomaasiyadeed ee kala dhexeysa Soomaaliya, iyadoo sheegtay inay ka xun tahay in dowladda Soomaaliya ay Abu Dhabi ku soo dhex jiiddo khilaafaadka siyaasadeed ee gudaha dalka.

    Wasaaradda Arrimaha Dibadda Imaaraadka ayaa Khamiistii soo saartay war-saxaafadeed ay ku cambaareysay tallaabooyinka ay ku tilmaantay kuwo sii hurinaya xiisadda, isla markaana cadaawad ku ah xiriirka labada dal.

    Hadalkan ayaa imaanaya kaddib markii Golaha Wasiirrada Soomaaliya uu go’aamiyay in safiirka Imaaraadka ee Muqdisho, Axmed Al-Rumaithi, uu dalka kaga baxo muddo 72 saacadood gudahood ah, halka Soomaaliya ay safiirkeeda u joogay Abu Dhabi, Xuseen Cabdi Xalane, ugu yeertay Muqdisho si wadatashi ah.

    Imaaraadka ayaa sheegay in mowqifyada dowladda Soomaaliya ay dhaawacayaan xiriirka labada dal iyo saldhigga iskaashigooda, isagoo ka digay in khilaafaadka siyaasadeed ay saameyn taban ku yeelan karaan danaha labada shacab.

    Wasaaradda ayaa sidoo kale ku celisay in go’aannada saameynaya xiriirka labada dal ay tahay in lagu saleeyo danaha wadajirka ah, lagana fogeeyo loollanka siyaasadeed iyo khilaafaadka gudaha.

    Dhanka kale, Imaaraadka ayaa xusuusiyay inuu bishii Janaayo 2026 xiray safaaraddiisii Muqdisho, isla markaana uu dalka kala baxay shaqaalihii diblomaasiyadeed, isagoo tallaabadaas ku sababeeyay waxa uu ku tilmaamay dhaqammo aan wanaagsanayn oo dowladda Soomaaliya kula kacday safaaradda iyo siyaasaddiisa, oo ay ku jiraan baabi’inta heshiisyadii labada dhinac.

    Xiisadda labada dal ayaa cirka isku sii shareertay kaddib markii dowladda Soomaaliya ay ku eedeysay Imaaraadka inuu faragelin ku hayo arrimaha gudaha dalka, isla markaana uu ku xadgudbayo madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

    Imaaraadka ayaa dhinaciisa diiday eedeymahaas, isagoo ku adkeysanaya in xiriirka uu la leeyahay shacabka Soomaaliyeed uu ka weyn yahay khilaafaadka siyaasadeed ee hadda jira.

    Xaaladdan ayaa sii adkeyneysa xiriirkii diblomaasiyadeed ee labada dal, iyadoo aan weli muuqan waddo cad oo lagu soo afjari karo khilaafka sii xoogeysanaya.

    Share this:

    • Share on Facebook (Opens in new window) Facebook
    • Share on X (Opens in new window) X

    Like this:

    Like Loading…

    Related

    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr WhatsApp Email
    Previous ArticleSoomaaliya oo bannaanka keentay eedeymo culus oo ka dhan ah Imaaraadka, xiriirkana meel xun gaaray
    Next Article NYT oo bannaanka keentay sirtii saldhigyada Imaaraadka ee Berbera iyo Boosaaso
    Banaadir24
    • Website
    • Facebook
    • X (Twitter)

    Related Posts

    Dowladda Soomaaliya oo wajahaysa cadaadis: Eedeymo musuqmaasuq iyo dagaal siyaasadeed

    25 November 2026

    Xog cusub: Ciidamo tiro badan oo laga soo qaaday Galmudug lana geeyay furimaha Shabeellaha Hoose

    25 November 2026

    Maxaa ka dhacay Golweyn? Al-Shabaab oo sheegatay weerar lagu qaaday ciidamada Uganda

    24 November 2026

    Howlgalka Banooda oo wej cusub galay, Danab oo la wareegay Jameeco

    24 November 2026
    Leave A Reply Cancel Reply

    Demo
    Our Picks

    Remember! Bad Habits That Make a Big Impact on Your Lifestyle

    13 January 2021

    The Right Morning Routine Can Keep You Energized & Happy

    13 January 2021

    How to Make Perfume Last Longer Than Before

    13 January 2021

    Stay off Social Media and Still Keep an Online Social Life

    13 January 2021
    • Facebook
    • Twitter
    • Pinterest
    • Instagram
    • YouTube
    • Vimeo
    Don't Miss
    LATEST NEWS

    Dowladda Soomaaliya oo wajahaysa cadaadis: Eedeymo musuqmaasuq iyo dagaal siyaasadeed

    By Banaadir2425 November 20260

    Muqdisho (Banaadir24) — Soomaaliya ayaa wajahaysa marxalad siyaasadeed oo xasaasi ah, iyadoo khilaafaadka dastuurka, muranka…

    Share this:

    • Share on Facebook (Opens in new window) Facebook
    • Share on X (Opens in new window) X

    Like this:

    Like Loading…

    Xog cusub: Ciidamo tiro badan oo laga soo qaaday Galmudug lana geeyay furimaha Shabeellaha Hoose

    25 November 2026

    Maxaa ka dhacay Golweyn? Al-Shabaab oo sheegatay weerar lagu qaaday ciidamada Uganda

    24 November 2026

    Howlgalka Banooda oo wej cusub galay, Danab oo la wareegay Jameeco

    24 November 2026

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from SmartMag about art & design.

    About Us
    About Us

    Banaadir24 is an independent online news platform dedicated to delivering timely, accurate, and balanced coverage of news and events in Somalia and beyond.

    Recent Posts
    • Dowladda Soomaaliya oo wajahaysa cadaadis: Eedeymo musuqmaasuq iyo dagaal siyaasadeed
    • Xog cusub: Ciidamo tiro badan oo laga soo qaaday Galmudug lana geeyay furimaha Shabeellaha Hoose
    • Maxaa ka dhacay Golweyn? Al-Shabaab oo sheegatay weerar lagu qaaday ciidamada Uganda
    • Howlgalka Banooda oo wej cusub galay, Danab oo la wareegay Jameeco
    • Ciidamada Uganda oo Soomaaliya ka baxaya, xog cusub oo laga shaaciyay qorshaha bixitaanka

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Latest News
    • About Us
    • Contact Us
    © 2026 banaadir24. Designed by banaadir24.

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    Sign In or Register

    Welcome Back!

    Login to your account below.

    Lost password?
    %d