Muqdisho (Banaadir24) — Warar soo baxaya ayaa sheegaya in dowladda Federaalka Soomaaliya ay qorsheynayso howlgal milatari oo ka dhan ah ciidamada deegaanka ee ku sugan magaalada Marka, kuwaas oo sheegtay inay ka tirsan yihiin maamulka Koonfur-Bari Soomaaliya.
Sida xogta la helayo tilmaamayso, kulan amni oo heer sare ah oo ay Muqdisho ku yeesheen saraakiisha ugu sarreysa hay’adaha amniga dowladda ayaa la sheegay in lagu go’aamiyey in la qaado howlgal lagu doonayo in ciidamadaasi lagala wareego gacan ku haynta magaalada Marka.
Wararka ayaa intaas ku daraya in howlgalka la qorsheynayo ay ka qeyb qaadan doonaan ciidamo dhawaan tababar uga soo laabtay dalka Turkiga, kuwaas oo la sheegay in uu hoggaamin doono taliska ciidanka, iyadoo ay garab siin doonaan ciidanka NISA.
Go’aankan ayaa imaanaya xilli ay xiisad siyaasadeed iyo mid amni ka taagan tahay magaalada Marka, waxaana suuragal ah in tallaabada milatari ay sii kordhiso xiisadda u dhexeysa dowladda Federaalka iyo ciidamada deegaanka.
Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka soo saartay qorshahan la sheegay.
