LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Mucaaradka oo kulan la yeeshay haweenka Gobolka Banaadir, kana hadlay khilaafka doorashooyinka

Kulan ay yeesheen siyaasiyiinta mucaaradka ayaa maanta ka dhacay guriga uu Muqdisho ka degan yahay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, iyadoo ay ka qeybgaleen xubno ka tirsan mucaaradka Beesha Hawiye iyo haweenka ku nool gobolka Banaadir.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan khilaafka siyaasadeed ee la xiriira arrimaha doorashooyinka. Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa haweenka la wadaagay aragtidooda ku aaddan muranka ka taagan doorashooyinka iyo diidmada ay ka qabaan muddo kororsi loo sameeyo hay’adaha dowladda, gaar ahaan Villa Somalia.

Sidoo kale, kulanka waxaa lagu falanqeeyay doorka haweenka ee ku aaddan ka qeyb qaadashada wacyigelinta bulshada iyo sidii ay u garab istaagi lahaayeen dadaallada lagu doonayo in dalka ay ka dhacaan doorashooyin hufan oo waqtigooda ku qabsooma.

Wararka ayaa sheegaya in marka kulanka uu soo gabagaboobo la filayo inay warbaahinta la hadlaan qaar kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka iyo haweenka ka qeyb galay shirka, si ay u faahfaahiyaan waxyaabihii ay ka wada hadleen.

Maalmihii la soo dhaafay, mucaaradka ayaa kulamo xiriir ah la yeelanayay qeybaha kala duwan ee bulshada, kuwaas oo ay uga gol leeyihiin in ay mideeyaan aragtida bulshada, isla markaana fariintooda ku saabsan xaaladda siyaasadeed gaarsiiyaan Madaxweynaha xilka haya Xasan Sheekh Maxamuud, xilli la sheegay in muddo xileedkiisu uu geba-gabo ku dhow yahay.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *