Qaar kamid ah Odayaasha Beesha Xawaadle oo Maanta lagu xiray Magaalada Beledweyne

Wararka laga helayo magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidamada militariga Soomaaliya ay xireen afar nabadoon oo ka mid ah odayaasha dhaqanka beesha Xawaadle, xilli ay ka socotay shir ay odayaashu ku lahaayeen gudaha magaaladaasi.
Shirka oo ay isugu yimaadeen odayaasha beesha Xawaadle ayaa la sheegay in looga arrinsanayay mustaqbalka deegaanadooda, xaaladaha amni iyo horumarineed ee ka jira gobolka, iyo sidii ay bulshada deegaanka uga qaadan lahaayeen doorkooda.
Ilo deegaanka ah ayaa xaqiijiyay in ciidamada militariga ay si lama filaan ah u galeen goobta uu shirka ka socday, islamarkaana ay halkaasi ka kaxeeyeen afar ka mid ah nabadoonadii kulanka ka qeybgalayay. Lama oga illaa iyo hadda sababta rasmiga ah ee ka dambeysa xarigga nabadoonadan.
Odayaasha iyo bulshada deegaanka ayaa si weyn uga walaacsan tallaabadan, iyagoo ku tilmaamay mid saameyn karta wada-hadalka iyo talo-wadaagga ay beeluhu ka yeeshaan arrimahooda gudaha.
Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada dowladda iyo Maamulka Magaalada beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan oo ku aaddan sababta xarigga nabadoonada iyo halka loo qaaday intaba, iyada oo ay socdaan waan waan lagu soo deynayo.









