Muqdisho (Banaadir24) — Dowladda Uganda ayaa billowday qorshe ay ciidamadeeda ku sugan Soomaaliya kula baxayso, tallaabadaas oo dhalisay su’aalo ku saabsan isbeddelka siyaasadda amni iyo xiriirka diblomaasiyadeed ee Kampala ay la leedahay dalalka gobolka.
Warbixin ay baahisay warbaahinta Africa Intelligence ayaa sheegtay in go’aanka Uganda uu la xiriiri karo qanacsanaan la’aan ay Kampala ka qabto dowladda Turkiga, taas oo lagu eedeeyay inaysan Uganda siin dammaanadihii amni, siyaasadeed iyo dhaqaale ee ay ka filaysay Soomaaliya.
Warbixintu waxay si gaar ah farta ugu fiiqday Taliyaha Ciidanka Uganda, Muhoozi Kainerugaba, iyadoo sheegtay in Uganda ay dhanka kale dooneyso inay xiriir dhow la yeelato Imaaraadka Carabta, kaas oo ay u aragto lamaane kale oo ay kala shaqeyn karto danaha amni iyo siyaasadeed.
Dhanka kale, Ciidanka Difaaca Uganda (UPDF) ayaa 2-dii Nofeembar 2026 ku dhawaaqay inuu billowday ka bixitaanka ciidamadii ku joogay Soomaaliya heshiis laba geesood ah oo ay la galeen dowladda Federaalka Soomaaliya.
Qeybtii ugu horreysay ee ciidamada ayaa la sheegay inay dib ugu laabatay Uganda, iyadoo milatariga dalkaas uu sheegay in howsha ka bixitaanka lagu soo gabagabeyn doono maalmo gudahood.
Si kastaba ha ahaatee, xiriirka ka dhexeeya bixitaanka ciidamada Uganda, tabashooyinka laga qabo Turkiga iyo isu-dhowaanshaha Imaaraadka ayaa ah falanqaynta gaarka.
Tallaabadan ayaa dhalin karta su’aalo cusub oo ku saabsan mustaqbalka iskaashiga amni ee Soomaaliya iyo Uganda, gaar ahaan xilli Soomaaliya ay weli u baahan tahay taageerada saaxiibbada caalamiga ah ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
